Somaliland: Qaab noocee ah ayaa gobollada iyo Degmooyinka Dalka looga Xusay munaasibadda 18 May?

Dhammaan gobollada iyo Degmooyinka Somaliland oo ay ugu mudan tahay Caasimadda dalku, waxa saaka looga dareeray xuska iyo dabbaal-degga 28-guurada maalinta Qaranimada ee 18 May, iyadoo ay si ballaadhan uga qayb-qaadanayaan Ciidamada Kala duwan ee dalka iyo guud ahaan Shacbiweynaha 12-ka degmo gobol ee Somaliland.

 

Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo caasimadda Hargeysa loogu sameeyey 28-guurada kasoo wareegtay maalinta qaran ee 18ka May oo ku beegan markii ay Somaliland xornimadeedii dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Burco

Kumanaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco ayaa isku soo bax balaadhan ku qaabiley maalinta qarannimada somaliland ee 18may

Waxaana munaasibad reer burco kala qaybgalay wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada, wasiirka ciyaaraha  iyo masuuliyiin kale oo kamida xukuumada.

Laascaanood

Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa saaka si ballaadhan laysugu soo baxay xuska munaasibadda 18-ka May oo markii u horeysay si ka duwan xusaskii hore loo weyneeyey iyadoo ay isku baxeen boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada oo ku lebbisan calanka Somaliland.

Boorama

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa kumanaan shacabka magaalada Boorama ee caasimadda gobolka Awdal kala qayb-galay xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, isagoo Md Saylici fagaaraha kheyriyada ee magaalada kala hadlay shacabka.

Ceerigaabo

Sidoo kale magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa si weyn laysugu soo baxay xuska maaalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May, waxaana kumanaan ka mid ah shacabka magaalada kala qayb-galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, degmada iyo wasiirro xukuumadda dhexe ka socda oo socdaal ku gaadhay gobolka.

Gabiley

Kumanaan Shacabka magaalada Gabiley oo ay weheliyaan Maamulka degmada iyo gobolka, ayaa saaka si ballaadhan isugu soo baxay xuska maalinta 18 May, iyadoo khudbado kala duwan laga jeediyey fagaaraha beerta xorriyadda ee caasimadda gobolka Gabiley

Tog-wajaale

Magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale ayaa siwayn looga xusay maalinta lasoo noqoshada madaxbanaanida somaliland 18 May.

Munaasibada xuska 18 May ee magaalada Tog-wajaale ee gobolka gabiley ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka degmda iyo masuuliyiin kale oo ka socday xukuumada dhexe.