Somaliland oo yeelanaysa 11 Dekedood iyo Hay’ad u gaar ah maamulkeeda oo 9 Xubnood ka kooban

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta la horkeenay qabyo-qoraalka Xeerka Dekedaha Dalka oo xukuumddu soo diyaarisay, waxaana loo qaybiyey mudaneyaasha oo naaqishaad ku samayn doona ka hor inta aanu goluhu maalmaha soo socda guda-gelin dooddda xeerkan.

Xeerkan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee loo sameeyo noocyada, tirada iyo sharciyadda ay Dekedaha dalka, ayaa maanta la horkeenay Golaha, waxaana warbixin ku saabsan xeerka iyo muhiimaddiisa ka hor-jeediyey Golaha Guddoomiye ku-xigeenka Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye.

Xildhibaanku waxa uu halkaas ka sheegay in Xeerkani dhidibbada u taagayo isla markaana lagu aasaasayo Hay’adda Dekedaha Somaliland, taas oo ay hoggaamin doonaan Guddi Sagaal xubnood ka kooban oo madaxweynuhu magacaabi doono.

Sida ku xusan Qabyo-qoraalka Xeerka Dekedaha Somaliland ee maanta la horgeeyey Golaha Wakiillada, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay yeelan doontaa 11 Dekedood oo sharci ah kuwaas oo laga hirgelin doono Xeebaha Galbeed ilaa Xeebaha Bari ee dalka laga soo bilaabay magaalooyinka Saylac ilaa Ceelaayo.

Sida ku xusan Xeerkan, Dekedaha sharciga ah ee Somaliland ayaa kala ah Dekedaha Saylac, Lughaya, Bulaxaar, Berbera, Ceel-daraad, Karin, Conqor, Ruguuda, Shalacow, Xiis, Maydh, Carsho, Laasqoray Iyo Ceelaayo.

Qabyo-qoraalka Xeerka Dekedaha Somaliland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dekedaha, ayaa la filayaa inay mudaneyaasha Goluhu maalmaha soo socda gudo-galaan dooddiisa iyo wax-ka-beddelkiisa. Waxaanu xeerkani dhaqan-geli doonaa marka uu ka gudbo ee ay ansixiyaan mudaneyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidaa, isla markaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net