Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Shan Xubnood oo ka tirsanaa Xafiiska BBC Media Action ee magaalada Hargeysa.
Hawl-wadeennada BBC Media Action ee maanta la xidhay oo tiradoodu tahay Shan qof oo ka hawl-galayey xafiiska, ayaa magacyadoodu kala yihiin:-
- Maxamed Gaas (Madaxa Xafiiska Somaliland)
- Cabdilaahi Jaamac (Wariye ka tirsan Bbc Media Action)
- Samater Gaaxnuug
- Axmed Faa’iz oo ah filim-qaade iyo editor.
- Yaxye oo ka tirsan Xafiiska Gadiidka.
Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan sheegtay inay hakisay Shaqada BBC-da ee dalka Somaliland, waxaanu toddobaadkii hore Wasiirka Warfaafinta Somaliland u jeediyey BBC eedeymo uu ku tilmaamay inay ka dhan yihiin Qarannimada Somaliland.
Advertisement
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net