Somaliland Oo Wax-ka-beddel ku samaysay Cashuurta Qaadka ee Laga keeno Dalalka Itoobiya iyo Kenya

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland, ayaa Axadda maanta soo saartay tacriifad cusub oo lagu jaan-gooyey cashuurta badeecadda Qaadka ee Laga soo waarido dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Wareegto Ka Soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Wax-ka-beddel ku samaysay Cashuurta badeecadda kaddib markii Wasiirku tixgeliyey Soo-jeedin uu u soo bandhigay Agaasimaha Waaxda Kastamada oo Ku taariikheysan 15/01/2023 iyo Tixraaca xafiiska Xogta iyo qiimaynta ee Waaxda Kastamada, kuwaas oo soo jeediyey Wax-ka-bedel lagu sameeyo qiimihii lagu cashuuri jiray Qaadka Miirooga ee Kenya iyo Qaadka Hereriga ee Dalka Ethiopia laga keeno.

Waxa wareegtada Wasiirka lagu sheegay in Qaadka Miirooga ee dalka Kenya laga keeno oo markii hore Halka Kilo lagu cashuuri jiray 4.5 Dollar, hadda laga dhigay 3.8 Dollar, halka Qaadka Hereriga ee laga keeno dalka Itoobiya oo markii hore Halka Kilo Lagu Cashuuri jiray 1.567 Dollar, immika wixii ka dambeeya lagu cashuuri doono 3.8 Dollar.

Qaadka Miirooga ee laga keeno dalka Kenya, ayaa xukuumaddu hoos u dhigtay qaddarka cashuurta ee laga qaado, iyadoo 0,7 oo u dhigan boqolkiiba 15.6 oo intii hore laga jabiyey.

Halka Qaadka Hereeriga ee Dalka Ethiopia lagu Kordhiyey Cashuurta in ka badan Libin-laab oo ah 2.2 Dollar oo u dhigan boqolkiiba 57.9 Qiimihii markii hore lagu cashuuri jiray oo lagu Kordhiyey.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, waxa uu wareegtadiisa ku amray maamulayaasha Kastamada dalka inay tacriifaddan cusub dhaqan-geliyaan laga bilaabo Maalinta Isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 23-ka January, 2023 oo Maalinta Berri ah.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostn.et