Hargeysa (SLpost)0 Waxaa maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusaayey, xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, waxaana munaasibadaasi soo qaban qaabiyey Komishanka heer qaran ee Xakamaynta Xanuunkan ee SOLNAC.
Munaasibadda waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka, Horumarina Biyaha iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada.
Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in sannadkiiba hal mar lays xasuusiyo maalintan caalamiga ah ee loogu talo galay xuska xannuunka Aydhiska.
“Waxaa maanta sharaf inoo ah dhammaanteen inaan kasoo qeyb galno maalintan loo asteeyey in lagu xuso maalinta AIDS-ka ee adduunka, iyadoo looga jeedo in maalintani ay noqoto in sannadkiiba mar lays xasuusiyo dhibaatada xanuunkani leeyahay, sida loo daweyn karayo, sida looga hortagi karayo iyo sida loola macaamili karayo dadka xannuunkani ku dhacay wacyi weyna layska siiyo, iyadoo ay wacyi gelintu joogto tahay”.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay maanta adduunyadu dedaal weyn ugu jirto sidii daawo rasmi ah loogu heli lahaa xannuunkaasi waxaana uu yidhi markale Madaxweyne ku xigeenku
“Imika dunidii waxay gaadhay in dawooyin fiican la helay innaguna in ninkii muslimka ahaa ee walalkaa ahaa aan foqooqno dadka caalamka ugu dhaqaalaha badan sida Bilgayti oo kalena inuu adduunyada maanta ku bixinayo Bilyan Doolar sidii uu ummaddaa dawo ugu heli lahaa, miyaanay nasiib daro ahayn ninkii aan islaamka ahayn uu damqanayo uu lacagtiisii maanta ku bixinayo sidii loo heli lahaa dawo rasmi ah oo lagaga bugsado innaga damiirkeenu waa inuu ina faraa inaan qofkaa wixii aan u qaban karno aan u qabano”, sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Agaasimaha Guud ee Komishanka Xakamaynta Xannuun-sidaha Cabdishakuur Ismaaciil Muuminoo ka hadlay munaasibadda ayaa sharraxaad ka bixiyey wax-qabadka Guddiga sannadkii u dambeeyey iyo sida ay uga hawl-galeen xakaynta xannuunka iyo heerka uu xilligan ka marayo Somaliland.
Agaasimaha Guud waxa uu halkaas ka jeediyey warbixin la xidhiidha heerka uu Somaliland ka marayo Xannuunka AIDS-ku xilligan, isagoo sheegay in baadhis 4000 qof lagu sameeyey sannadkii 2018-dii xanuunka laga helay 239 qof, waxaanu xusay in taasi muujinayso in heerka Is-baadhista ee dadku aad u yar yahay sidaas awgeedna aan la ogaan karin tirada saxda ah iyo heerka xannuunkani dalka ka marayo.
Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in sannadkan sii dhammaanaya ee 2019-ka ay xannunka HIV/AIDs u dhinteen 55 qof oo haween u badan, isagoo intaas ku daray in Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS raashin iyo daawooyin u qaybiyeen dadka la nool xannuunka Aydhiska.
Dhanka kale, xuska maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS, ayaa sidoo kale laga xusay magaalooyinka waaweyn ee dalka.