Somaliland oo Sharci cusub ka soo Saartay, wakhtina u qabatay isticmaalka Gaadiidka Bidixleyaasha ah

[H]argeysa (SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inay dalka ka mamnuucayaan gaadiidka Bidix-layaasha ah (Shookaanta Midigta ku leh) isla markaana aan dalka la keeni doonin  wixii ka dambeeya dhammad sannadkan, iyada oo go’aankani u ka soo baxay golaha Wasiirrada.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa shacabka ugu baaqay inay xukuumaddu soo saartay sharci dalka ka mamnuucaya in laga isticmaalo gaadiidka Shookaanta ku leh midigta wixii ka dambeeya dhammaadka bisha September ee Sannadkan.

Wasiir Xaabsade waxa uu isticmaalka gaadiidka noocan ah ku timaamay mid caqabad ku ah isla markaana ka soo horjeeda nidaamka waddo-marista ee Somaliland adeegsato isla markaana waxa uu tilmaamay in mamnuucistoodu ka dhib yar tahay in la beddelo haadka baabuurta.

Wasiirka oo maanta waraysi siiyey Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxa kale oo uu Sheegay in gaadiidka bidixlayaasha ah ee dadweynuhu ay yihiin caqabadda ugu weyn ee maanta bulshada haysata kuwaas oo ay ugu horreeyaan basaska oo uu sheegay inay tahay in kuwa hadda shaqeeyo la beddelo Shokaantooda, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Sharciga aanu soo saarnay waxaa uu tilmaamayaa 30 September waxa baabuura oo ay shookaantoodu midigta ku talaa inaanay soo deign, intaana waxaanu u siinay inay dadka wax dirinaya ama lacagtoodii la haysto inay waxooda intaa dhamaystaan, sababtuna waxay tahay baabuurtii lama badali karo shookaantooda wadadana waxaa la go’aansaday inay sideeda ahaato markaa waxaanu doonaynaa inay tobansano ka dib inay baabuurtani dhamaato kuwa dambe ii imanayaana iyaga oo saxa inay yimaadaan oo shookaanta midigta ku leh.” Isaga oo hadalkiisa raaciyey, “Haadka lama beddelayo waa inuu sidiisa ahaado oo umadaha la mid noqona iyo afrikada aanu jaarka nahay, laakiin waa in shookaantii midigta ahayd loo beddelo bidixda markaa baabuurta imanaysa ayaanu ku bilawnay laakiin baabuurta joogtaa waa ay iska sii soconayaan oo waa ay dhamaan doonaan Insha allaah ilaa tobansano.”

Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlayay wakhtiga go’aankani ku dhashay, waxa uu sheegay in loo saaray guddi soo deraasadaysa qaabka looga gudbi karo Caqabadda baabuurta bidixlayaasha ah, go’aankani yahay mid ka soo baxay Golaha Wasiirada Somaliland.

Dhinaca kale, Md. Xaabsade waxa uu dadweynaha ku jira guryaha dawladda ugu baaqay inay si deg-deg ah iskaga bixiyaan kirooyinka guryaha, ciddii ka gaabsata bixinta kiradana laga saari doono guryaha, isaga oo sheegay in qiimaha kiro ahaan ugu badan oo laga rabaa yahay 300,000 SLsh oo u dhiganta wax ka yar 50 Dollar bishiiba, isaga oo intaas ku daray in qof kasta laga doonayo kirada Guriga uu ku jiro laga soo bilaabo sannadkii 2011 oo sheegay in la go’aamiyey.

Mar wasiirka la weydiiyey in dadka qaar ku doodi karaan in kharash kaga baxay dhismaha guryaha, waxa uu ku dooday in muddada ay ku jireen ee 20-ka sanno ugu filantahay tabaca kaga baxay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net