Somaliland oo shaacisay Tallaabada ay kaga jawaabayso Farogelin Dawladda Soomaaliya ku samayso Xuduudaheeda

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa kulankooda todobaadlaha ah oo uu shir-guddoominayey madaxweyne ku-xigeenka Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi, ayaa maanta lagaga hadlay faro-gelin iyo sheegasho xukuumadda Soomaaliya ku hawso Xuduudaha Cirka iyo Dhulka ee Somaliland.

golaha wasiirradaFadhiga Golaha Wasiirrada oo noqnaya fadhigii 138aad ee muddadii xukuumadda Siilaanyo talada dalka haysay, waxa shaaca lagaga qaaday in dawladda Somaliland ilaashanayso xaqa ay u leedahay inay ilaashato xuduudaheeda dhinac walba, waxaana beesha caalamka loogu caddeeyey inay Somaliland si aan gabbasho lahayn u difaacanayso Xuduudaheeda.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada, Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u qornaa sidan:- “Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto, Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.

Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xilligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada.

Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay.

Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweyne Siilaanyo safar shakhsiyeed ugu maqan yahay dalka Ingiriiska oo uu todobaadkan u amba-baxay.

SOMALILANDPOST.NET