Somaliland oo shaacisay tallaabada ay kaga jawaabay Caleemo-saarka Buuhoodle loogu qabanayo Cali Khaliif Galaydh

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay ogolayn magaalada Buuhoodle in lagu qabto caleemo-saarka Prof Cali Khaliif Galeydh oo hoggaamiye loogu doortay Kooxda la baxday Khaatumo, waxaanay sheegtay inay tallaabo adag ka qaaday haddii ay dhacdo in magaaladaas lagu qabto caleemo-saarkiisa.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in magaalada Buuhoodle lagu qabanayo caleemo-saarka Cali Khaliif, waxaanu ku gooddiyey in aanay cid kasta oo colaad bulshada ku dhex-abuuray ka ogolaan doonin inay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka samayso deegaamo ka tirsan Somaliland.

XAGLATOOSIYE“Anigu ma ogi Cali Khaliif Isku caleemo saaraya Buuhoodle, waxna kama jiraan waa been. Buuhoodlena ka yeeli mayno dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo Cali Khaliif wado, haddii ay dhacdana tallaabada ku habboon ayaanu ka qaadaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo maanta War-fidiyeennada kula hadlay Hargeysa.

Prof. Cali Khaliif Galaydh oo madxweyne loogu doortay shir beeleed ka dhacay degaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool bishan August, waxaana la qorsheeyey in magaalada Buuhoodle lagu qabto xafladda Caleemo-saarka Cali Khaliif xilka madaxweynenino kula wareegayo, si rasmi ahna loogu caleemo-saaro, iyadoo la sheegay in xafladaas ay ku hoos lammaan yihiin mudaharaado rabshado wata oo ka dhaca degaanno ka mid ah Gobolka Sool, kuwaasoo u muuqda in taageero loogu raadinayo maamulka qabiilka ku salaysan ee Cali Khaliif wato.

SOMALILANDPOSTNET