Somaliland oo shaacisay Qorshe ay Ganacsato Shiine ahi Maalgashi uga fuliyaan Dalkeeda

Hargeysa (SLpost)-  Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in dalkeeda ay dhawr goor oo kala dambaysay Safarro kala duwan ku yimaaddeen Masuuliyiin ka socday dawladda Shiinaha oo sheegtay inay yihiin Ganacsato, kuwaasoo qiimaynayey sidii ay Somaliland u maal-gashan lahaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadba Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa daboolka ka qaaday qorshe dahsoon oo dalka Shiinuhu damacsanyahay inuu ku maalgashado waddanka Somaliland. Isla markaana, waxa uu sheegay Wasiirka Kalluumaysigu in Weftiyo ka socda dawladda Shiinaha, hase ahaatee, sheegtay inay yihiin Ganacsato qiimayn iyo sahamin u yimaaddeen dalka Somaliland.

Wasiir Geeljire oo xog-warran siiyay Haween ku bahoobey Ururka SLWA (Somaliland Women Association) oo  Saldhiggiisu yahay London oo kulan casho-sharaf ah habeen-hore ku yeeshay Hudheelka Ambasaddor ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dalka Shiinuhu danaynayo mashaariic horumarimarineed oo uu ka hirgelinayo Somailand, islamarkaana Wufuud dawladda China ka tirsani socdaallo kala duwan ku yimaaddeen Somaliland, iyagoo iska dhigaya shirkado gaar loo leeyahay, si ay isaga ilaaliyaan dalalka reer Galbeedka oo tartan xoog lehi ka dhexeeyo.

Wasiirku waxa uu xusay in socdaallada Wufuuddaasi sababeen Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku tegeen dalka China.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland, oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxa jirta dalka China Wefti kala duwan oo ka socdaa inay dalka (Somaliland) yimaaddeen, sida kuwii Burco iyo Berbera booqday si ay u qiimeeyaan fursadda Ganacsi ee uga bannaan Somaliland. Wufuuddaasi may ahayn Shirkado gaar ah, laakiin waxay ka socdeen dawladda Shiinaha, iyagoo iska soo dhigay Shirkado, iskana ilaalinaya dalalka Reer Galbeedka oo tartan xoog weyni ka dhexeeyo.”

Wasiir Geeljire waxa uu sheegay in dalal badan oo caalamka ka tirsani u soo jeesteen nabadgelyada iyo xasilloonida ka jirta Somaliland xilli dabaylo rabshado wataa hadheeyeen dalaka Carbeed iyo xasillooni-darrada Mandaqadda Geeska Africa, isagoo si gaara u xusay dawladda Ingiriiska oo uu tilmaamay inay muddooyinkan danbe u soo jeesatay Somalaland sidii ay dhinacyo badan ugala shaqayn lahayd, isla markaana laban-laabtay Caawimooyinkii ay siin jirtay Somaliland sannadkan 2011-ka.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Masuul Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsani sidan oo kale faahfaahin dheeraad ah uga bixiyo arrinta Wufuudda Shiinaha oo ay Masuuliyiinta dawladda ee uu Wasiir Geel-jire laftiisu ka mid yahay hore ugu sheegi jireen Ganacsato damacsan inay qiimeeyaan meelo ay maal-gelin ku sameeyaan oo Somaliland ka mid ah. Hase ahaatee, hadda ka hor Masuulna ma caddeyn in Wufuuddaas kala dambaysay ee ka yimi Shiinaha ka socdeen dawladda Shiinaha.