Somaliland oo Qoys Masiixiyiin ah u Mustaafurisay Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay lammaane u dhashay dalka Soomaaliya oo bishii October ee sannadkan ciidamada ammaanku ka qabteen gudaha magaalada Hargeysa.

Lammaahan oo aan magacooda la xusin, ayaa Xukuumaddu u mustaafurisay dalka Soomaaliya oo labadooduba u dhasheen, qoysaskooda iyo carruurtooduba ku nool yihiin.

Dadkan, ayaa lagu eedeeyey inay dalka ka wadeen hawl-gallo ay ku faafinayaan Diinta Kiristaanka, waxaanay ciidamadu ka qabteen guri ay ka degganaayeen magaalada Hargeysa horaantii bishii October ee Sannadkan.

Lammaanahan ayaa xorriyaddooda loo celiyey horaantii bishan November, kaddib markii ay kiiskooda go’aan ka soo saartay Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo tiraba dhowr jeer la horgeeyey. Maxkamadda ayaa amartay in dalka laga mustaafuriyo lammaanahan iyo ilmo yar oo ay dhaleen.

Sida ay qortay warbaahinta u doodda xuquuqda Dadka masiixiyiinta ah, qareenka u doodayey lammaanahan ayaa sheegay in maxkamaddu go’aankan soo saartay kaddib markii arrintooda ay soo fara-galiyeen Wakiillo ka socda dalalka Midowga Yurub oo xukuumadda Somaliland kala hadlay.

Warku waxa uu intaas ku daray in lammaanaha oo uu weheliyo ilmo yar oo ay dhaleen loo mustaafuriyey Soomaaliya, halkaas oo ay ku nool yihiin qoysaskooda iyo Laba carruur ah oo ay dhaleen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ahna taliyaha laanta Dambi-baadhista ee Gaashaanle sare Faysal Xiis, ayaa bishii October 5-teedii sheegay inay gacanta ku dhigeen laba qof oo lagu eedeeyey inay gudaha dalka ku faafinayeen Diinta Kiristaanka.

Taliyuhu waxa uu sheegay in labada Qofba yihiin murtidiin ka baxay Diinta Islaamka, isla markaana Xiftisan Qur’aanka iyo Axkaamta oo ay uga faa’idaysanayeen inay ku khal-khal geliyaan Caqiidada Bulshada isla markaana ku faafiyaan Diinta Kiristaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net