Somaliland oo Qaramada Midoobay kala kaashanaysa Baadhista Hub Saaran Markab ku xidhan Marsada Berbera oo la qabtay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Qaramada Midoobay gaadhsiisay baaq ku wejahan Baadhista hub sifo sharci-darro ah lagu soo geliyey dalka oo lagu qabtay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda magaalada Berbera oo alaabooyin u siday Ganacsato reer Somaliland.

Markabkan oo la sheegay inuu ka soo goostay Deked ku taala magaalada Port Sudan ee dalka Sudaan, ayaa todobaadkii hore ku soo xidhay dekedda Berbera, ayaa laga helay saanad-milatari oo u badan baabuurta gaashaaman, waxaanay xukuumadda Somaliland isla markiiba ku bilowday baadhis ay ku samaysay cidda iska leh iyo meesha hubkaasi ku socday.

MARKABKAWasiirka Amniga Somaliland Cali oo maanta warbaahinta kula hadlay, Hargeysa, ayaa sheegay inay ka-war-sugayaan hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan baadhista hubka Sharci-darrada ah oo ay qaylo-dhaan gaadhsiiyeen, kuwaas oo uu sheegay inay dalka Iman doonaan dhowaan.

“Wali noomay iman hay’adahaasi, waa hay’adaha aanu sugayno inay noo yimaaddaan oo ay xaqiiqda gudbiyaan. Waa hay’adaha aanu la sugayno iyaga iyo cidii kale ee ku shaqo leh la-dagaalanka hubka,” Sidaa waxa yidhi wasiir ku-xigeenka oo la weydiiyey inay xukuumad ahaan hubka ay gacanta ku hayaan kala xidhiidheen hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada Midoobay ee xakamaynta hubka sharci-darrada ah. “Baaq waanu gaadhsiinnay hay’adaha Caalamka iyo iyagaba, waxaananu ku rejo-weynahay sida ugu dhakhsaha badan inay Somaliland yimaaddaan.” Ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo intaas ku daray,
“Hay’adaha caalamiga ah ee hubka ku shaqada leh iyo ciddii sheekata markay noo caddaato ayuunbaanu sii deynaynaa, haddii kale Somaliland ayaa gacanta ku haynaysa.”

Wasiirka oo sharraxayey macluumaadka ay ka hayaan markabka, waxa uu yidhi, “Markabku waxa uu ka soo baxay dekedda Port Sudan ee dalka Sudan, waxaanu sida aanu waraaqihiisa ku aragnay uu ku waday carwo uu sheegay inay ku taalo Abu Dhabi oo 22-ka ilaa 26-ka bisha Febarwari ka furmaysa, annaguse maanaan aaminin waraaqahaas, laakiin waanu baadhaynaa, baadhitaankaasina wuu noo socdaa, hubkaasi maaha hub aanu si fudud ku sii daynayno.”

Somalilandpost.net