Somaliland oo Maxkamad la tiigsanaysa Saraakiil Somaliya ka tirsan oo Ciidamada Ammaanku Hargeysa Qabteen iyo Ujeeddada socdaalkooda la xidhiidho

waranHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in booliiska Somaliland shalay goor danbe ku qabteen Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa saddex qof oo ka tirsan Dawladda Soomaaliya, kuwaas oo sida wasiirku sheegay doonayey inay si dhuumasho ah ku soo galaan magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxa yy sheegay in saddexda sarkaal oo haatan ku xidhan madaarka diyaaradaha Harggeysa, ay diyaarad ka soo raaceen magaalada Muqdisho.

Saddexda sarkaal ayaa sida uu sheegay wasiirku waxay magacyadoodu kala yihiin, Jaamac Maxamed jaamac oo ah madaxa baratakoolka ee madaxtooyada dowladda Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaliya iyo Cabdicasiis adam oo ah dibloomaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Warancadde, waxa uu sheegay in maxkamad la horgeyn doono masuuliyiintaasi marka baadhista boliisku dhammaato, maadama uu socdaalkoodu ka soo horjeedo sharciga Somaliland uga yaala in masuuliyiin ka tirsan Somaliya ay ogolaanshiyo la’aan ku soo galaan gudaha Somaliland.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa shabakadda wararka ee Somalilandpost u sheegay inay saraakiishaasi u socdeen safaaradda Dawladda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa, isla markaana ay doonayeen inay ka qaataan Dal-ku-galka (Visa) Itoobiya oo ay doonayeen inay u socdaalaan.

Warku waxa uu intaas ku daray inay saddexdaas sarkaal ay marti-qaad ka haysteen mid ka mid ah Xafiisyada laga goosto Tigidhada diyaaradaha ee ku yaala magaalada Hargeysa, in kasta oo aanay ilo-wareedyadani noo xaqiijin magaca Xafiiska ay xidhiidhka la soo sameeyeen, waxaana la sheegay inay Saddexdan sarkaal ay siteen baasaboorro Waddamada Reer Galbeedka ah oo aan ahayn baasaboorka Somaliya.

SOMALILANDPOST.NET