Somaliland oo Markii ugu horreysay laga hirgeliyey Adeeg Caafimaad oo dabooli kara Baahida Dadka ku Nool Geyiga Soomaalidu degto

Hargeysa (SLpost)-  Waxa markii ugu horreysay magaalada Hargeysa ee Somaliland laga hirgeliyey Adeeg Caafimaad oo loogu talo galay inuu daboolo baahida dad ku nool dhulalka Soomaalida, iyada oo ay ka hawl-galaya dhakhaatiir Ajaanib ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xadhigga ka jaray adeeggan caafimaad oo ah qayb cusub oo uu yeelan doono Cisbitaalka guud ee Hargaysa kaas oo lagaga shaqayn doono mishiinka sifeeya kelyaha  kaas oo loogu talo galay inay daboosho baahida dadka ku nool Dhulalka Soomaalida.

Xafladdii xadhigga lagaga jaray oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed, wasiirada wasaaradaha Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle iyo Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, gudoomiyaha hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, dhakhaatiir ka socotay wadanka isutagga Imaaraadka carabta iyo hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Waxa hadal uu ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in mashiinka sifeeya kelyahu uu yahay adeeg caafimaad oo aynu baahi badan u qabay dalku, bulshaduna ay dhibaato badan ku qabeen.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu xusay in waaxdan cusub ee Cisbitaalka guud lagu soo kordhiyay ay qayb ka tahay ballan-qaadadii ay xisbi ahaan sameeyeen xiligii ololaha doorashada, gaar ahaan ballanqaadadii dhinacyada arrimaha bulshada, sida biyaha iyo caafimaadka.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inay tahay tallaabo hore loo qaaday una baahan in la ilaashado oo loo huro dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si uu u noqdo mid shaqeeya mustaqbalka.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo madashaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mashruucan laga hirgaliyay cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee Somaliland laga fuliyay.

Waxaa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay inay farxad u tahay in koox dhakhaatiir ah oo ka kooban 25 xubnood ay ka hawl galayaan Qaybta adeega Mishiinka Kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu u mahad-celiyay Wasaarada Caafimaadka iyo Cid kasta oo ka gacan siisay dhaqaajinta Mashruucan oo dabooli doona baahi jirtay isla markaana sababi jirtay in dalalka deriska la ah somaliland la geeyo dadka xanuunada kelyaha ka cabanaya.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay xil weyn iska saareen sidii mishiinadaasi u shaqayn lahaayeen isla markaana ay sii wadayaan waxii wasaaradda caafimaadka loo qabanayo.

Wasiirka Maaliyadu wuxuu tilmaamay inay Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa ay is dhinac taagi doonaan, halka sidoo kalena uu bulshada Somaliland u soo jeediyey inay is kaashadaan si ay uga talaabsadaan dhibaatooyinka hortaagan horumarkooda gaar ahaan caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa ka sheegay xafladaasi in dhakhtarka guud ee Hargaysa uu yahay halka u dambaysa ee qofka reer Somaliland ee bukaan socodka ah lagula soo eerto, marka gobolada waxba lagaga qaban waayo.

Wasiirka caafimaadku waxuu tilmaamay ugu yaraan 20 dhakhtar oo ka kala socda wadamada Finland, Rassia, india iyo wadamo kale kuwaasoo uu wasiirku ku sheegay inay qaab wanaagsan uga hawlgalaan wadanka gudihiisa.

Wasiirku waxaa kale oo uu intaas ku daray in adeegyo cusub ay ku soo kordhiyeen Cisbitaalka Guud ee Caasimada oo ay ka mid tahay sida uu xusay hooyooyinka ay fooshu ku raagto ee qaliinka u baahan oo lacag la’aan ay ka dhigeen.

SOMALILANDPOST.NET

webmater@somalilandpost.net