Somaliland oo markii u horeysay lagu Qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Boosaha ee Adduunka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Somaliland, ayaa maanta markii ugu horeysa dalka ku qabatay Xuska Caalamiga ah ee Maalinta Boosaha adduunka oo Sannad walba maalintan oo kale adduunka laga xuso.

Munaasibad si heersare ah loo agaasimay ayaa lagu qabtay barxadda ka horeysa Xarunta Wasaaradda oo ah Fagaaraha lagu xuso munaasibadda 18-ka May, waxaana ka qayb-galay masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosaha oo uu horkacayo Agaasimaha Guud, Shaqaale-weynaha wasaaradda, shirkadaha Gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya adeegga Boosaha iyo dadweyne Kale.

Waxa munaasibadda ka hadlay masuuliyiin ku hadlayey magaca shirkado ka shaqeeya adeegyada boostada oo ay ka mid yihiin shirkadaha bixiya adeegyada Isku-socodka dadweynaha iyo Alaabooyinka ee gobollada iyo shirkado kale, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey noocyada adeegyada ay qabtaan, muhiimadda ay bulshada u leeyihiin iyo halka ay shaqadoodu kasoo galayso Hawlaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadshiinta.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalka Hoose