Somaliland oo laga Xusay Sannad guurada 22aad Ee Ciidamada Booliska

????????????????????????????????????

 

Hargeysa(SLpost) Munaasibad lagu xusayay sannad guurada 22aad ee aasaaska ciidamada booliska Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen madaxwaynaha Somaliland,xubno golihiisa wasiirada ka tirsan ,taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo sharaxay arrimaha ay sanadkan ciidamada boolisku qabteen

 “ Ciidanka boolisku waxay sanadkan gacanta ku dhigeen 3846 tahriiyeyaal ah, waxa kale oo ay qabteen 56 Mukhallasiin( Ma gafeyaal ah) kuwaasi oo dhammaantood sharciga la geeyay xukunno kala duwanna lagu riday. Waxa kale oo ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen 1,780 qoomiyadda oromada Itoobiya ah kuwaas oo dalkooda dib loogu celiyay”ayuu yidhi Taliye Fadal.

Waxaanu sheegay in waxa ugu badan ee amaanka khatarka ku ahi yahay muranada dhulka oo sannadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dalka Somalialnd.

“Waxa kale oo arrimaha ammaanka khatarta ku ah ka mid ah muranka dhulka oo dhimasho iyo dhaawac u gaysta booliska, waanan kugu hambalyaynayaa madaxweyne guddida aad u magacawday. Waxa kale oo ay talaabo adag Boolisku ka qaadeen dhalinyarada kooxaha ah, waxaanay gacanta ku dhigeen 550 dhalinyaradaas ah, waxaana xukunno kala duwan iyo ganaaxyo ku dhaceen 450,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

 

Wasiirka Daakhiliga  Cali Warancadde, ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland leedahay ciidan adag oo hanan kara ammaanka dalka “ Waxaanu madaxweyne gacanta ku haynaa ciidan dhisan oo hanan kara nabad galyada gudaha ee jamhuuriyadda Somaliland. Waxay awood u leeyihiin inay hantaan nabadda wadanka iyo daryeelka bulshada Somaliland. Waxay ku suntan yihiin naftood hureyaal aan ka gabanayn cid kasta oo isku dayda inay waxyeesho ammaanka qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa bogaadin u diray ciidamada booliska Somaliland sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay maalinta aas aaskooda.

“Waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa ciidamada booliska madaxdiisa, masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba sida fiican ee qaranimada leh ee hawshaa, xilkaa loo igmaday ay u ilaaliyaan, waxaan leeyahay hanbalyo aad iyo aad u balaadhan baan usoo jeedinayaa  Ciidanka Booliska, Ubadkooda iyo Xaasaskoodaba aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin”.ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

 

Halkan Ka Daawo Sawiro Munaasibadda laga qaaday:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????