Somaliland oo laga xusay Maalinta Ololaha Dabar-goynta Gudniinka Fircoocniga ah iyo Doorka Wasaaradda Arrimaha Bulshada

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay Kulan ballaadhan oo qayb ka ah xuska maalinta caalamiga ah ee Dabar-goynta Gudniinka Fircooniga ah, kaas oo sannad kasta la qabto 6-da bisha February.

 

Kulanka lagu xusayay munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, waxa ka qayb-galay ururrada bulshada iyo kuwo caalami ah iyo masuuliyiinta u sarreysa wasaaradda oo ay hormuud ka tahay Wasiir Hinda Jaamac Xirsi.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay Hal-ku-dhigyo ka hadlaya kharataha ku duugan Gudniinka Fircooni ah iyo sidii loo dhiirri-gelin lahaa cidhib-tirkiisa.

 

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN