Somaliland oo ka Qayb-galaysa Shir Kaligeed laga Casuumay Dalalka Geeska Afrika

Magaalada Abu Dhabi ee Dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta waxa shalay gaadhay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaale oo ka qayb gelaya shirweyne caalamiya oo lagu falanqaynaayo arrimaha Tamarta.

wasiirka-macdanta-iyo-biyahaShirkan oo ah heer dawladeed, Wasiirka Somaliland waxa uu ka mid yahay shakhsiyaad tiro yar oo ka socda Bariga Africa, iyada oo Somaliland tahay dalka keliya ee shirkaaas lagaga soo casuumay waddamada Geeska Africa.

Shirkan oo ku qabsoomaya Hotel Yas Viceroy ee jaziiradda Yas oo ka tirsan Imaaradda Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa lagu wadaa inuu maanta ka Furmo dalkaas.

Shakhsiyaadka loo qoondeeyey inay shirkan ka hadlayaan, ayaa waxa ka mid ah, Wasiirka Tamarta Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Dhaen Al Haml, Wasiirka Madacdanta iyo Biyaha Somaliland Eng Hussina Cabdi Ducaale, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Tanzania Prof. Sospeter Muhongo, Wasiirka Tamarta Mozambique Md Salvador Namburete, Dr. Tony Hayward oo madax ka ah shirkadda Genel Energy Iyo masuuliyiin kale.

SOMALILANDPOST.NET