Somaliland oo ka mid noqotay Waddamada Badhtamaha iyo Bariga Afrika oo loo saadaaliyey Suuqa Cusub ee Wax-soo-saarka Shidaalka iyo Gaasta

Nairobi (SLpost)- Somaliland ayaa markii u horreysay ka mid noqotay waddamada la danaynayo Kheyraadkooda dihin, gaar ahaan Bariga Qaaradda Afrika oo lagu tilmaamay inuu noqonayo suuqa cusub ee Shidaalka Caalamka.

Dalka Kenya oo lagu wado in badhtmaha Sannadkan lagu qabto Shirweynaha Afraad ee Shidaalka ee dalalka Gobolka Bariga Afrika (4th Eastern African Oil Gas & Energy) oo muddo laba maalmood ah (June 18-20ka), iyada oo shirkaas oo ay isugu imanayaan dawladaha iyo shirkadaha shidaalka soo saaraa, lagaga wada hadli doono fursadaha jira, baaxadda dhulka la baadhayo iyo shirkadaha ka hawlgalaya baadhitaanka kheyraadka Dabiiciga.

easternafriShirweynahan oo lagu qaban-doono Hudheelka InterContinental Hotel ee badhtamaha Nairobi, waxa lagu soo bandhigi doonaa fursadaha badhitaanka kheyraadka Dabiiciga ah ee 14 dal oo Bariga iyo Badhtmaha Afrika ku yaal kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, DRC, South Sudan, Ethiopia, Zambia, Eritrea, Somaliland, Seychelles, Madagascar iyo Mozambique. In kasta oo ay kala miisaan iyo dhaqaale gedisan yihiin dalalkani haddana waxa isu keenay fursadaha cusub ee dhawaan ka soo ifbaxay gobolka Afrikada Bari.

“Dhawaan sidii looga helay saliid iyo Gaas aad u laxaad badan dalalka Mozambique iyo Tanzania iyo fursadaha ka muuqda Kenya dhanka badda iyo berigaba, ayaa sare u qaaday gobolkan, iyada oo rejo laga qabo in meelo kalena sidoo kale saliid laga helo,” sidaa waxa yidhi Dr Duncan Clarke oo ah Guddoomiyaha Global Pacific & Partners.
“Saliidda laga helay dhawaan iyo fursadaha cusub ee muuqda, ayaa waxay soo jiiteen shirkadaha dawladaha ku xidhan sida CNOOC iyo PTTEP oo iyagu durba maalgashi badan sameeyey, waxana la filayaa inay shirkadaha aadka u laxaadka badan ee Chevron, Total, Shell iyo BP ay iyana soo galaan saylidda East Africa,” sidaas waxa lagu sheegay warbixin lagu baahiyey bogga internetka ee Global Pacific & Partners oo fadhiyo ku leh saddexda dal ee Ingiriiska (London), Holland (The Hague) iyo Koonfur Afrika (Johannesburg), waxaanay u qaabilsan tahay qabanqaabada Kulamada Caalamka ee lagu faaqido Kheyraadka Dabiiciga iyo Talo-ka-bixinta la xidhiidha.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay heshiisyo badan la gashay shirkado dhawr ah oo qaarkood bilaabeen sahanka shidaalka, waxaaan u dambeeyey shirkad laga leeyahay dalka Norway oo madaxweynaha Somaliland bishan 23dii heshiis kula saxeeday dalka Maraykanka.

Xukuumadda Somaliland may sheegin siday uga qaybgalayso shirweynahan, hase yeeshee waxa halkaa ka hadli doona madax sar sare oo ay ka mid yihiin kuwa ka socda dawladda Ethiopia, Kenya, Ethiopia, DRC, the Seychelles, Tanzania, Madagascar, Burundi, Rwanda, iyo Uganda oo lafilayo inay mustaqbalka la wareegan Suuqa Saliidda Caalamka, sida ay sheegeen khubarrada iyo Shirkadaha ku shaqaysta baadhista iyo sahanka Shidaalka Caalamka.

SOMALILANDPOST.NET