Somaliland oo ka hadashay Xubno isku sheegay Hoggaanka Awdal State oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Hargeysa, 14 January, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xubno sheegtay inay isugu jiraan Madaxweynaha wax loogu yeedhay Awdal State iyo xubno la socday oo Masuuliyiinta dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya si weyn ugu soo dhaweeyeen shalay Caasimadda dabku ka hulcayo ee Muqdisho.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa sheegay inuu jirin wax maamul goboleed ah oo Awdal State la yidhaahdo oo Somaliland ka go’ay, isla markaana cidda waxaa wadda waxa uu ku tilmaamay qolo dibed joog ah oo riyoonaysa. Waxaanu eedayn kulul u jeediyey dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya oo uu sheegay inay duullaan ku tahay burburinta nabadgelyada iyo dimuquraaddiyadda Somalilad ka hana-qaaday tobankii sano ee u dambeeyey.

“Waxaan leeyahay shacabka reer Awdal waa dad tariikh ku leh Somaliland oo waa lagaranayaa inay yihiin ku wii shalay iyaga wax laga waydiinayey Somaliland. Markaa, Wax-garadka, Salaaddiinta iyo Cuqaasha reer Awdal way ka soo hor jeedaan wixii nabadda Somaliland wax yeelaya, mana oggola.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.

Maxamed-rashiid oo la hadlaya dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Siyaasiyiinta Soomaaliya intii ay odhan lahaayeen wax nala qabta Somaliland, maaha in iyagu wax qas wada inay soo dhaweeyaan, waxaan leeyahay dawladda ku-meel-gaadhka ah Somaliland waa dawlad oo haddii aad joojin waydaan waxa Qarannimadeeda wax yeelaya waxay noqon doontaa mid wax yeesha siyaasadda Soomaaaliya…”

Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda ee dawladda Somaliland, waxa uu sheegay inay magaalo-madaxda gobolka Awdal ee Boorama tahay halkii dhidibbada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa daraaddeedna aanay dadka reer Awdal u dheg-taagi doonin dhawaaqyada kooxaha cadawga ku ah midnimada, wada-jirka, nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo Qarannimad Somaliland. Maxamed-rashiid, waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in halkii ay dawladda Soomaaliya dhinaca nabadgelyada kala tashan lahayd Somaliland ay iyadu nabadgelyada ku soo duusho oo ay marba soo abaabusho kooxo Somaliland u dhashay si ay dalkooda waxyeello uga fuliyaan, dadka walaalahana u kala kexeeyaan.

Kooxda sheeganaysay Awdal State oo shalay Muqdisho ka degay, ayey Madaarka diyaaradaha magaaladaas ku soo dhaweeyeen Wasiirro iyo Saraakiil ka tirsan dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay maalmaha soo socda kulammo la yeelan doonaan Madaxda ugu sarraysa dawladda Muqdisho.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net