Somaliland oo ka hadashay Socdaal Kedis ah oo Madaxweynaha DDSI ku yimi Tog-wajaale iyo Sababta ka dambaysay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay socdaal shaqsi ah oo madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo wata Ciidamadii ilaalada u ah shalay ugu soo tallaabeen gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Tog-wajaale ee xuduudka labada waddan. 

 

Madaxweyne Mustafe Maxamuud Cumar, ayaa si kedis ah shalay loogu arkay isagoo ku sugan magaalada Tog-wajaale dhinaca Somaliland, isagoo wakhtigaas ku sugan suuqa weyn ee magaalada halkaas oo la sheegay inuu ka adeeganayey meherada ku yaalla magaalada.

 

War qoraal lagu baahiyey bogga xidhiidha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay inay xukuumad ahaan u fududeeyeen Madaxweynaha DDSI sidii uu uga dukaamaysan lahaa Suuqa magaalada Tog-wajaale.

 

Haddaba, Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo maanta u warramay BulshoTV oo wax ka weydiisay socdaalka kediska ah ee madaxweynaha DDSI iyo waxa ay xukuuumad ahaan kala socdaan, waxa uu sheegay in madaxweynaha DDSI la soo xidhiidhay xukuumadda kana codsaday si uu dukaamaysi uga samaysto magaalada.

 

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE