Somaliland oo ka Hadashay Sababta Hawada looga Saaray Idaacadda VOA

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka warfaafinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ka hadlay sababaha keenay inay hawada somaliland ka saaraan guud ahaanba baahinihii kala duwanaa ee idaacadda VOA ee Codka Maraykanka, waxaanu masuuliyiinta idaacadaasi ku eedeeyey inay jabiyeen heshiiskii ay kula jireen xukuumada somaliland.

Idaacada VOA ayaa soo kordhisay baahino kala duwan oo dheeraad ah, iyada oo idaacadu soo kordhisay baahino dheeraad ah oo hawada soo galayey wakhtiyada 1:30 duhurnimo iyo subaxii, islamarkaana u khaas ah dhallinyarada.

 

Wasiirka warfaafinta oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaaalada Hargeysa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “wasaaradda warfaafintu laba idaacadood oo waa weyn oo  afka soomaliga soo daaya ayey heshiisyo kula jirtaa kuwaas oo kala ah idaacada BBC-da iyo VOA-da, idaacada VOA-da waa markii labaad ee aanu is qabano inta badana BBC-da isma qabano sababtuna waxa weeyaan waxaanu aad u ixtiraamnaa heshiiska qoraalka ah ee ay labada dhinac wada galaan, idaacada VOA-da waxaanu ku jirnaa inay hawada soo galaan laba xili, oo ay baahiyaan barnaamijyada ay leeyihiin, anaguna wixii adeeg ah ee aanu gacanta ugu hayno iyo ogolaanshaha  inay ka hawl gali karaan dalkayaga aynu u fududayno, waanay badaleen, heshiiskiina way ka baxeen, saacado aan kuwii ahayn ayey damceen inay ku daraan oo subax leh oo duhur leh, anaguna waxaanu leenahay  idaacada saacadaas dheeraadka ah heshiiska way ka baxsan tahay, ixtiraamna maaha intaad dawlad dhan heshiis la gasho inaad taada iska wadato.”

Wasiirka wasaarada warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay macquul ahayn in saacadaha idaacada Radio Hargeysa la siiyo idaacad kale waxaanu yidhi “Mar kale waxaanu leenahay wali heshiiskii ayaanu ixtiraamaynaa labadii xili ee aynu heshiiska ku ahayna diyaar ayaanu u nahay wixii intaas ka badana in laga wada hadlo diyaar ayaanu u nahay, saacadaha idaacada Radio Hargeysa macquul maaha inaanu idaacaddo kale siino” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.