Somaliland oo ka hadashay Dhalinyaro la Baafinayo oo Dowladda Soomaaliya Tabobar Ciidan u dirtay

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dhalinyaro waalidiintoodu baafinayaan oo la sheegay in dowladda Soomaaliya tabobar ciidan ugu dirtay dalalka dibadda, gaar ahaan waddanka Eritrea.

Dhalinyarada oo la sheegay in qaarkood ku geeriyoodeen dagaaladii dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Jabhadda Tigrayga kaddib markii dowladda Eritrea u adeegsatay ciidamo ay ku taageertay dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed oo Jihada Woqooyi ee xuduudka u dhexeeya labada waddan dagaal ka soo qaaday Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Ethiopia.

La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ugu baaqay in looga fadhiyo caddeynta arrintan iyo qancinta waalidiinta ubadkooda baafinaya ee ilaa haatan la la’ yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka hadlay xaaladda Ethiopia xilligii uu socday dagaalka u dhexeeyey Ethiopia iyo Jabhadda Tigray ayaa hore u sheegay inuu taageersan yahay midnimada iyo wada-jirka dalka Ethiopia

Farmaajo iyo iyo Raysal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo tiraba dhowr jeer kulamo siyaasadeed dhexmareen, ayaa noqday xulafo siyaasadeed oo ka midaysan siyaasadda manqadda Geeska Afrika.

Raysalwasaaraha Ethiopia, ayaa sannadkii 2018-kii oo ku beegnayd wax yar kaddib markii uu talada dalkaas la wareegay, waxa uu gudaha Itoobiya ku Qaabilay Madaxweyneyaasha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afowerki oo uu marti-qaad u fidiyey, waxaanu kulan saddex-geesood ahi ku dhexmaray magaalada Gondar ee xarunta Ismaamulka Amxaarada ee dalkaas.

Kulankaas ayaa lagu sheega in saddexda hoggaamiye kaga wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada Dhaqaalaha iyo ganacsiga.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net