Somaliland oo ka Jawaab-celisay Hadal Madaxweynaha Somaliya ku Xan-xanteeyey Wada-hadallada labada waddan

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaab-celisay hadal uu madaxweynaha Somaliya dhowaan kaga hadlay geedi-socodka wada-hadalada laba dal, kaas oo uu ku sheegay in wejiyada dambe ee wada-xaajoodka loo soo rari doono magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Maxamed Biixi YoonisWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey madaarka Hargeysa, kadib socdaal muddo todobaaad ah qaatay ugu maqnaa dalalka dibadda, ayaa sheegay inaanu waxba ka jirin hadalkaas ka soo yeedhay Madaxda Somaliya, isaga oo wax aan suuro-gal noqonayn isla markaana aan laysku ogeyn ku tilmaamay in wada-hadallada lagu qabto magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu si gaar ah uga hadlay qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay gunaanadka wada-xaajoodkii Istanbul, waxaanu yidhi, “Waxyaalaha ugu waaweyn ee ka soo baxay wada-hadaladii Turkiga ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya waxa ka mid ahaa arrinka xasuuqii dawladii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre u geysatay dadka Somaliland. Arrinka xasuuqa ee ay ogolaadeen markii ugu horeysay iyo hawlo badan oo kale oo la xidhiidha sidii ay wadahadaladu u sii socon lahaayeen.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxaana igu maqaalo ah in xukuumadda Muqdisho tidhi wada-hadalada waxa lagu qabanayaa Hargeysa iyo Muqdisho, arrinkaasi kumaanu heshiin, mana dhacayso, suurto galna maaha.

Waxa kale oo aan doonayaa inaan dadka u sheego Somaliland talo ay gaadhay ayey samaysay oo ah gooni isu-taagga, shacbigaana sameeyey go’aankaasi, cid ka noqonaysaana ma jirto, sidaasi awgeed waxba yaan laysku wareerin waxa Xamar laga yidhaahdo ee teena aynu wadano, dadkeenuna waa inay ogaadaan inaynu nahay umad jirta oo shaqaynaysa, cid aynu u daba-fadhiisanayno gooni isu-taageennuna ma jirto,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET