Somaliland oo Horumarin ku samaynaysa Goobaha Aataarta Qadiimiga ah iyo Digniin loo jeediyey Shacabka

Laasgeel (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay tallaabo adag ka qaadayso Cid kasta oo sifo sharciga baalmaran kula Kacda Keydka Aataarta Qadiimiga ah ee ku yaala dalka oo ka mid ah meelaha Qorshuhu ugu jiro inay wax ka qabato si ay qayb uga qaadato Koboca dhaqaalaha dalka.

Laasgeel_Somaliland (1)Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan tallaabo adag qaadi doonaan ciddii si sharci darro ah u fadhataysata Keydka Ataarta Qadiimiga ah ee dalka oo uu sheegay inay wax weyn ka tari karto soo-jiidashada Dalxiisayaasha caalamka.

Cali Siciid Raygal oo shalay socdaal ku tagay deegaanka Laas-geel oo masaafo ahaan 20 KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Hargeysa isla markaana ah meel taariikhiya oo ay ku duugan yihiin hadhaaga ilbaxnimadii umado Kumanaan Qarni hortood ku dhaqnaan jiray dhulka, qayb libaax lehna ka qaadan karta soo-jiidashada Dalxiisayaasha adduunka, ayaa ah meelaha ay xukuumaddu u qorshaynsan inay wax ka qabato, sida uu sheegay wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal.

Wasiirku waxa uu bulshada deegaanka iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in ay tahay in la ilaashado meelaha taariikhiga ee Laasgeel ka mid tahay.

“Laas-geel waxaan u nimid in aan eegno haddii wax dhibaato ahi haysato sidii wax looga qaban lahaa iyo xaaladeeda guud sida ay tahay shaqaalaha joogaa siday u shaqaynayaan kormeer ayaan ku nimid, waana meel u baahan haddii ay tahay dadka meesha degan. Shaqaalaha wasaaradda ee xaruntan iyo dhammaan cid kastaa waa in ay daryeeshaa oo ay ilaaliyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaraha iyo Dalxiisku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Haddii la arko cid si khaldan u isticmaalaysa ataarta waa in sharciga la mariyaa, waana in la ilaaliyaa iyada iyo dhulkeena kale ee qaaliga ah ee la midka ahba. Waa meel aad iyo aad u qurux badan, waxaanay ka mid tahay meelaha dalxiiseyayaashu marka ay dalkeena yimaadaan ay aad iyo aad u xiiseeyaan, xukuumadduna waa meelaha ay isha ku hayso inay wax ka qabato ayay ugu horaysaa,” ayuu yidhi wasiirka Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland.

(Archeological Sites in Somaliland)

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net