Somaliland Oo Heshiis Nabadgalyada Ah La Saxeexatay Hogaan Amaan Oo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Ah

 

Diridhaba(SLpost)-Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis dhanka nabadgalayda iyo isku socodka shacabka ah, waxaana Somaliland heshiiskaas u saxeexay wasiirka arimaha gudaha Wancade halka Itoobiyana uu u saxeexay hogaanka amaank iyo cadaalada Ayaasiin Cabdi Warsi.

Heshiiskan oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweyneha dawlad deegaanka Soomaalid Itoobiya Cabdi Iilay iyo xubno ka mid ah xukuumadiisa ayaanay saxeexin heshiiska waxaana u saxeexay dhanka Itoobiya hogaanka amaanka iyo cadaalada oo meeqaam ahaan aad uga hooseeya wasiirka arimaha gudaha ee u saxeexay Somaliland.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  Cabdi Maxamuud Iilay oo ugu horaytnii halkaas ka hadlay waxa uu yidhi“Waxa uu heshiiskani ka tari doonaa wax dadka walaalaha ah ee isku dhaqanka ah ee isku diinta ah, intii dunidu ay jirtay walaalaha soo ahaa hadana sii ahaan doona, inay dantooda ka shaqeeyaan ku qasban, waxaanu wax ka tarayaa in cadaw Somaliland aan Itoobiya joogin mid Itoobiyaan Somaliland joogin.”

Wasiirka arimaha gudah Cali Maxamed Warancade ayaa isaguna halkaas waxa uu ka yidhi“Waxa maanta inoo bilaabmay heshiis cusub oo waxtar weyn  ah isusoo dhawaanshaha dawladaha iyo shucuubta labada wadan, waxaanan qabnaa inay wax weyn ka tari doonaan, gudiyaduna ay xalin doonaan hawlmaalmeedka iyaga oo toos u wada shaqayndoona,waxii ku adkaadan ay madaxda u soo gudbin doonaan.”

Heshiiskan ayaa u muuqda mid hoos loogu dhigaayo samcada Somaliland, waxaana xukuumadii hore ay heshiiyada dhanka amaanka la soo gali jireen wasiirada dawlada Itoobiya.