Somaliland oo Heshiis Horumarineed oo Dhaqaale badan ku Baxayo si wada-jir ah ula saxeexatay Waddamada Ingiriiska iyo Denmark

heshiis2Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta heshiis horumarin ah la saxeexday wufuud ka socday dalalka Ingiriiska Iyo Dermark, waxaana madasha heshiiska lagu kala saxeexday goobjoog ka ahaa safiirrada labada waddan u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Heshiiskan oo si rasmi ah loogu hirgeliyey in waddamadaasi deeq toos ah siiyaan Somaliland, ayaa qayb ka ah mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland oo ay iska kaashanayaan labadaasi dal, iyada oo xafiiska laga maamulayo Dhaqaalahan laga furayo magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kulanka Heshiis lagu kala saxeexday ka dib faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha labada dhinac qalinka ku duugeen.

heshiiska2“Halkan waxa lagu kala saxeexday heshiis ka dhexeeya Somaliland iyo dalalka Ingiriiska iyo Denmark, hawshana waxa maamulaya DFID iyo DANIDA, waxaad arkaysaan in adduunku inagu aaminayo inaynu lacagaha maamuli kareyno. Mahad-naq gaar ah waxa leh wasiirkeena Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo aad iyo Aad ula shaqeeyey, kuna mahadsan hawshan adag ee uu la qabtay labada waddan,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey xaddiga lacagta ay labadan waddan ugu yaboobeen saduuqa Horumarinta Somaliland.

“Sanduuqan oo la yidhaahdo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxa iska kaashaday labada dal ee Ingiriiska iyo Denmark, sanduuqu wuxuu ku bilowday $ 52 Malyuun oo dollar, Ingiriisku shan Milyan oo kale ayuu ku soo daray, waddamada kale ee aynu saaxiibka nahay waxaanu rejaynaynaa inay ku soo biiraan haddii Alle yidhaahdo,” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.

silanyo heshiiisWasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Sanduuqan waxa wada maamulaya  guddi wada jir ah oo deeq-bixiyaasha ah, laakiin kan innaga ayaa go’aaminayna. Waxa go’aaminaya waxyaabaha inoo mudan guddida horumarinta qaranka. Sanduuqan waxa sanad walba laga maalgalinayaa waxyaabaha aanu u aragnay inay inoo mudan yihiin sida beeraha, xoolaha, biyaha, deegaanka iyo jidadka, waana halbowlayaasha, mashruucuna waa mashruuc afar sanadoood ah,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iftiimiyey muhiimadda heshiiskani ugu fadhiyo Somaliland iyo kaalinta uu ka qaadan karo horumarinta adeegyada Bulshada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland.

Ugu dambayntii waxa halkaas ka hadlay Safiirrada dalalka Ingiriiska iyo Denmark u fadhiya magaalada Nairobi oo tilmaamay in heshiiskani muhiimad ugu fadhiyo labada dhinac ee kala saxeexday gaar ahaan Somaliland. Waxa ay xuseen in waxyaabaha ugu horreeya ee ku dhiirigeliyey inay ka qayb-qaataan ay tahay dhismaha Dawladnimada iyo nabadda ka jirta Somaliland.

Safiirrada Ingiriiska iyo Denmark waxa ay sheegeen in qodobbada ugu horreeya ee ay ugu talo-galeen in lagu fuliyo dhaqaalaha ay ugu deeqeen Sanduuqa Horumarinta Somaliland ay ugu horreyso in kor loogu qaado maamulka iyo dhismaha hay’adaha Dawladda halka muhiimadda labaadna ka tahay in lagu kobciyo adeegyada kala duwan ee Dawladdu u qabato shacbigeeda.

SOMALILANDPOST.NET