Somaliland oo Heshiis-ganacsi la gashay Shirkadda Diyaaradaha ee Air Arabia

SHARJAH (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta heshiis la saxeexday Shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia sidii ay dalka uga bilaabi lahayd duullimaadyo toos ah oo ku timaaddo garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo Berbera.

079A8419Wasiirrada Duulista Hawada iyo Gananacsiga Somaliland oo shalay socdaal ku gaadhay magaalada Sharjah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta la kulmay masuuliyiin ka socday shirkadda Air Arabia halkaas oo ay qalinka ku duugeen heshiis saldhig u ah inay shirkaddaasi duulimaadyo ka samayso Somaliland.

079A8367Laba Wasiir oo ay wehelinayeen masuuliyiinta Shirkadda Air Arabia, ayaa booqday garoonka diyaaradaha ee magaalada Sharjah oo ah xarunta guud ee shirkaddaasi ku leedahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanay indho-indheeyeen adeegyada kala duwan ee madaarkaasi leeyahay.

079A8357Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi mar uu shalay ka hadlayey ujeeddada socdaalkooda markii ay ka dageen garoonka magaalada Sharjab, ayaa yidhi, “Waxaan halkan ugu nimi socdaalkaasi oo ay nagu martiqaadeen shirkada diyaaradaha ee Air Arabia. Ujeedada ugu weyn ee socdaalkani xambaarsan yahay waxa weeye inaanu shirkadaha ka wada hadalno arrimo ganacsi iyo maal-gashi.”

079A8290Wasiirku waxa uu intaas ku ladhay, “Dhinaca kale arrimaha noocaas ah waxaanu bisaylkeeda iyo fahamkeeda leenahay inay u baahan yihiin taxadar iyo inaanu ka turjunno masaalixda ummadda,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

079A8369Md Maxamuud Xaashi oo bishii sagaalaad ee sannadkii hore u warramayey majaladda ka faalloota duulimaadyada ee Routesnews, ayaa sheegay in diyaarado Air Arabia ka mid tahay ay duullimaadyo toos ah ka bilaabi doonaan madaarrada Hargeysa iyo Berbera.

“Air Arabia, Yemen Airways iyo South African Airways, ayaa intooduba xiisaynayaan inay adeegyadooda duulimaadyada ku soo daraan Somaliland.

“Shirkadda Air Arabia ayaa nagu dhiirri-gelisay xiisaaha ay u qabto inay Madaarka  Caalamiga ah ee Berbera ka dhigayo Marin ganacsi oo isku xidhaya Duullimaadyadeeda Galbeeka Afrika,” sidaa waxa yidhi wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET