Xukuumadda Somaliland oo Digniin Kama Dambays ah Ka soo Saartay xaaladda aBuuhoodle

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay xaaladda magaalada Buuhoodle oo ay ku tilmaantay deegaan gabbood u noqday kooxaha nabad-diidka ah, iyadoo dhawaan halkaas ay gaadheen malleeshiyaad-beeleed sheegtay inay ka goosteen Ciidanka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay Hargeysa, ayaa kooxahaas oo uu ku tilmaamay inay u dhasheen deegaamo kale ugu baaqay inay si dhakhsaha badan uga baxaan magaalada Buuhoodle ka hor inta aan tallaabo laga qaadin.

Wasiir Qambi waxa uu sheegay in magaalada Buuhoodle gabbood u noqotay malleeshiyaad iyo kooxo ay horkacayaan dagaal-oogayaal dano-gaar ah leh oo ka faa’idaysanaya taageero ay ka helayaan gacmo-shisheeye.

Hadalka Wasiirka kaga bogo Muuqaalka Hoose