Somaliland oo Dib u Fasaxday Keenista iyo Ka-ganacsiga Qaadka iyo Shuruudo lagu Xidhay

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga ka-hortagga iyo Xakamaynta Covid-19 ee Somaliland, ayaa maanta fasax Keenista iyo Ka-ganacsiga Badeecadda Qaadka laga soo waarido dalka Ethiopia oo hore loo xayiray muddo bil ah, iyadoo lagu sababeeyey inuu ka qayb-qaadanayo faafitaanka Xannuunkan.

Guddiga oo warqad qoraal ah oo ay ku socodsiiyeen ganacsatada Qaadka iyo wargelin soo saaray maanta, waxay sheegeen in laga bilaabo maalinta Berri ee Axadda uu qaadku u iman karo sidiisii caadiga ahayd, balse waxay shuruudo ku xidheen ganacsatada qaadka iyo dadka isticmaala labadaba.

Qoraalka ka soo baxay Guddiga oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Covid-19 ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa u qornaa sidan:-

“Sidaan la wada soconto waxay guddiga covid-19 hore u joojisay qaadka wakhti kooban inaga oo ka hortagayna faafintaanka xanuunka coronavirus. Haddaba iyada oo ay ka hadhsan tahay wakhtigii muddo ku siman afar cisho waxay gudigga Covid-19 go’aansatay in la fasaxo laga bari wixii ka danbeeya, oo ah axadda taariikhduna tahay 17/05/2020 qaadku uu iman karo sidii caadiga ahayd fasaxna yahay waxayna guddigu soo saarayaan qodobo (habraaca ilaalinta caafimaadka bulshada) ayna tahay in la ilaaliyo kuna socda ganacsatada qaadka iyo dadka isticmaala labadaba.

Qodobada Habraaca Ah

  • In kolayga qaadka ay iibin karaan 2 qof oo kaliya mid gudaha iskuna jiraan 2M
  • Inay xidhaan qalabka ka hortagga ee kala ah af saabka iyo gacmo gashiga.
  • Inaad dhigtaan kolayga alkoolka lagu masaxdo
  • In darawalada iyo dadka la socda gaadiidka qaadka keena ay xidhaan af saabka iyo gacmo gashiga, haystaana alkoolka lagu masaxo gacmaha
  • In shaqaalaha guud ahaan ka shaqeeya qaadka shirkaduhu dhigaan qalabka lagu baadho xumadda ayna baadhaan mar walba oo ay shaqada soo galayaan
  • In dadka iibsanaya qaadka ay galaan kuyuu iskuna jiraan 2M
  • Siday hore guddigu u sheegtay waxaan dadka ku boorinaynaa inaanay isugu iman marfashyada iyo majlisyada lagu qayilo midna.