Somaliland oo dib-u-eegis ku samaynaysa Wada-shaqaynta ka Dhaxaysa Hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay dib-u-eegis iyo qiimeyn ku samaynayso wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee dalka ka hawl-gala iyadoo loo marayo shuruucda dalka u yaalla.

Golaha Wasiirada SomalilandSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha, shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagaga dooday qaabkii dib u eegis loogu samayn lahaa wada-shaqaynta hay’adaha Caalamiga ah, waxaana shacabka loogu soo jeediyey inay xoogga saaraan mashaariic iskaa-wa-u-qabsada ah ee ku saabsan Arrimaha Bulshada.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha oo lagu shaaciyey arrimaha shirka maanta lagaga hadlay, ayaa u qornaa sidan:- “Kal-fadhigii 24-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/11/2018, waxa lagu lafo-guray hannaanka wada-shaqayneed ee hay’adaha qaramada midoobay (UN), kuwa caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu goluhu warbixinta amniga ka dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Goluhu waxay dood-dheer ka yeesheen wada shaqaynta hay’adaha UN-ta, iyo kuwa caalamiga ah, ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay isla qaateen in dib u eegis iyo qiimayn buuxda lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay hay’adahaasi uga hawl-galaan dalka Somaliland, iyadoo loo marayo sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ugu dambayn, golaha wasiirraddu iyagoo ka duulaya horumarinta iyo iskaashiga shacabka waxay ku dhiirigelinayaan bulshada Somaliland, hirgelinta, barmaamijyada iskaa wax u qabso ee kobcinaya adeegyada arrimaha bulshada la xidhiidha.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com