Somaliland oo dariiq Cusub u Jeexaysa Siyaadaddeeda Ku wejahan La-Macaamilka Waddamada Jimciyadda Carabta

Hargaysa (SLpost)- Wasaaradda Khaarajiga ayaa sheegtay in xukuumadda Somaliland ay diirada saarayso sidii ay wax wada qabsi iyo iskaashi ula yeelan lahayd jaamacada carabta, waxaana maanta u kicitimay dalka Masar oo ay marti-qaad ka heleen Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxbarashada Marwo Sam-sam Cabdi Aadan.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed caawa ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradaasi Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Somalilland Mudane: Maxamed Biixi Yoonis oo ay ku weheliyaan wasiirada waxbarshada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo sarkaal sare oo ka tirsan waaxda siyaasadda ee wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa maanta oo ay bishu tahay 24/10/2013 safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Qaahira ee xarunt dalka Masar, safarkan waxa uu ku yimi casuum rasmi ah oo ka timi Wasiirka khaarajiga dalka Masar.

Maxamed Biixi Yoonis

Weftigu waxa ku sugnaan doonaa dalka masar muddo 5 maalmood ah oo ay kulamo kala duwan la yeelaan doonaan Wasiirrada khaarajiga iyo waxbarashada ee dalka masar, taasoo lagaga hadli doono xoojinta cilaaqaada labada dal ee somaliland iyo masar iyo siddii dalka masar inooga caawin lahaa xaga waxbarasha iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee dalka Masar siiyo Somaliland, iyo sidii maalgashi dalka masar uga sameyn lahaa dalka Somaliland.

Dhanka kalena weftigu waxa uu kulamo la qaadan doona saraakiisha uga sareysa jamacadda carabta oo lagaga hadli doono sidii Somaliland iyo jaamacada carabtu xidhiidh iyo iskaashi u yeelan lahaayeen. Safarkan waa safarkii ugu horeeyay ee wasiirka khaarajiga Somaliland ku tago dalka masar intaa uu xilka la wareega bilo ka hor.”

Somalilandpost

Hargaysa