Somaliland oo dalkeeda u ogolaatay Oday-dhaqameed Mashruuc Siyaasadeed oo Qaranimada Liddi ku ah ka soo qaatay Dawladda Somaliya

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhawaysay socdaal la filayo inuu dhowaan deegaanno ka tirsan gobolka Badhan ku yimaaddo Boqor Burhaan oo ah Boqorka Beelaha Daarood oo xaruntiisu tahay magaalada Qardho ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaas oo socdaalkiisa lala xidhiidhinayo inuu ku lug leeyahay arrimo siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara Somaliland.

Somaliland oo dalkeeda u ogolaatay inay yimaaddaan Oday-dhaqameed Mashruuc Siyaasadeed oo Qaranimada Liddi ku ah ka soo qaatay Dawladda SomaliyaBoqor Burhaan ayaa dhowaan magaalada Qardho kula kulmay raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh oo bishan horaanteedii socdaal ku yimi maamul-goboleedka Puntland oo khilaaf siyaasadeed u dhexeeyey dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ka hor intii aanay labada maamul kala saxeexan heshiis beesha caalamku goob-joog ka ahayd oo lagu soo af-jaray khilaafkii jiray, iyada oo Boqorkuna qayb ka ahaa Xalka lagu demiyey khilaafkaas.

Boqorka Burhaan oo hoggaaminaya madax-dhaqameed ka tirsan Puntland, ayaa la filayaa todobaadka soo socda inay socdaal ujeeddadiisa shaki weyni ka dhashay ku yimaaddaan magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan, iyada oo halkaas ka socoto qaban-qaabada soo-dhawaynta Boqorka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka mid ah madaxda dawladda ee u dhashay deegaanka uu Boqorku socdaalka ku imanayo, ayaa sheegay inaanay jirin xuduud gaar ah oo dabri karta madax-dhaqameedku inay tagi karaan deegaannada Soomaalida, balse waxa uu ka digay in socdaalkaasi ku lug yeesho arrimo siyaasadeed oo waxyeello u geysan kara qadiyadda iyo midnimada Somaliland.

Wasiirka oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu bulshada iyo weftiga Oday-dhaqameedka ah ugu baaqay in arrimaha dhaqan looga faa’idaysto socdaalka, balse waxa uu wasiirku hanjabay inay tallaabada ku habboon ugu jawaabayaan haddii la marin-habaabiyo waxa uu ku tilmaamay ujeedka dhaqanka ee socdaalka Boqorku daarran yahay.

HALKAN KA DAAWO WASIIR CADAMI

SOMALILANDPOST.NET