Somaliland oo Caddaysay mawqifkeeda ku aaddan ka qayb-qaadashada Abaaraha Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa caddaysay mawqifkeeda ku wajahan kaalinta ay ka qaadanayso gurmadka loogu jiro shacbiga abaaruhu halakeeyeen ee waddanka Soomaaliya ee aynu dariska nahay.

War-murtiyeed ka soo baxay kulankii maanta ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa lagu sheegay qodobbo dhawr ah oo khuseeya kaalinta Somaliland ee ka qayb-qaadashada gurmada abaaraha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo lagu sookoobay nuxurka war-murtiyeedka shirka Golaha Wasiirrada ka soo baxay ayaa isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:

“Fadhigii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada JSL, oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood dheer ka dib  lagu go’aamiyey:-

1.         In ay Somaliland diyaar u tahay Gurmadka Caalamiga ah ee loo fidinayo dadka ay bara kiciyeen abbaaruhu ee mandaqada geeska Africa siiba Soomaaliya.

2.      Sidoo kale Waxa la magaacay Guddi Heer Qaran ah oo ka soo tala bixinaysa  kaalinta Gurmadka ee Somaliland, iyo sidii Qaadhaan loogu heli lahaa dadka ku tabaalaysan soomaaliya.

3.      Iyo In Cidallaale cidii taakulo u sida Dadka ku macaluullaya soomaaliya loo fasaxay Dekeda Berbera isticmaalkeeda loona soo marin karo Dadkaa Macaluushu saamaysay iyo in ay Somaliland uga sii gudbin karaan Cuntada ay u sidaan Soomaaliya.

Xubnaha Guddida oo Dhan 7 Xubnood waxa ay kala yihiin sidan :-

1.         Wasiirka Wasaaradda Maaliyada,  Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

2.      Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga,  Mudane, Axmed X. Cali Cadami

3.      Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Cabdirisaaq Khaliif Axmed

4.      Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta, Sh. Khaliif Cabdilaahi Axmed

5.      Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda , Dr. Mrashiid Sh. Xasan

6.      Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Nimco Xuseen Qawdhan

7.       Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta. Cali Cabdi Saayiq”

 ALLAA      MAHAD        LEH

 Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.