Somaliland oo Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobay baaq ugu dirtay Gacan-qabashada Beeralaydeeda

Hargaysa(SLpost)Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa ugu baaqay Baanka Adduunka  iyo Hay’adaha Caalamiga ee dhinaca cuntada inay dhiirigaliyaan beeraleyda Somaliland ee soo saara cuntada wadaniga ah.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay munaasibad maanta ay beeraleyda gobolka Gabiley ku soo bandhigeen dalagyo cunto waddani ah oo ay soo saareen, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in mudnaan la siiyo cuntada wadaniga ah si dalku u gaadho isku filnaansho cunto.
“waa cunto wanaagsan oo nafaqo leh”ayuu yidhi Faarax Cilmi Geeddoole.

Wasiirka-Beeraha1

Waxaanu baaq u diray “waxaan halkan fariin uga dirayaa World Bank qaybta horumarinta Somaliland ee xaga Ganacsiga ka. Waxay had iyo jeer dhiirigaliyaan inta badan beeraha soo saara khudrada iyo midhaha, waxaan ku boorinaynaa in Baanka adduunku dhiirigaliyo beeralydaa cuntada soo saaraysa si aan u gaadhno ama wax uga qabano mudnaanta cuntada ama iskaga filnaano”.

Wasiirka ayaa Hay’adaha Caalamiga ah ee taageera wax soosaarka Beeraha sidoo kale u soo jeediyay “waa in hay’aduhu kuwa caalamiga ah ee cuntada dhiirigaliyaan beerlayda waxaan kula talinaynaa in ay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan”.

Somalilandpost.net

Hargaysa