Somaliland: Nin Muddo 13 Sanno ah u Xidhnaa Fal-dambiyeed Aanu Geysan oo Xoriyaddiisa loo soo Celiyey

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa Xorriyadiisa u soo celisay nin u dhashay dalka Itoobiya oo muddo 13 sanno ah Xabsiyada ugu xidhnaa kiis Dil ah oo lagu waayey.

Qaraar ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland 30/06/2013, kuna dhawaaqeen Shan Garsoore oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa xorriyadiisa si buuxda loogu soo celiyay Nuuradiin Maxamed Cabdiqaadir (Ina Mutaax X. Cali) oo ah Nin ka soo jeeda qoomiyada Oromada ee Waddanka Itoobiya, kaas oo sannadkii 2001-dii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay Dil, isla markaana Maxkamadda Rafcaanku xukunkaas mid la mid ah ku ridday isaga iyo dhawr qof oo kale oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo loo haystay dilka Nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Dajaas.

Maxkamadda ayaa sii deynta Ninkan u cuskaday ka dib markii ay ku qanacday dib u eegis lagu sameeyay kiiskan muddo dhaafay marxaladihii uu soo maray iyo Qodobada 15,16,232,233,234b X.H.C, sida lagu muujiyay Nuqul ka mid ah qaraarka Maxkamaddu xoriyaddiisa ugu soo celisay ninkan, oo uu qoray Qareen dhamaystirka Kiiskan loo magacaabay, iyadoo Xukun kale ee lagu riday Ninka dambigu ku caddaaday loo cuskaday qodobka 445 ee XCG. Sidoo kale Maxkamaddu waxay Kiiska Ninkani ku xidhnaa ku xukuntay Nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Muuse Gamateysan “Ina Nuura Xaashi”, kaasoo lagu xukumay muddo ka yar intii uu eedaysanaha hore u xidhnaa iyo Magta Marxuumka dilkiisa loo haystay labada nin.

Qoraalka Maxkamadda ee Kiiskan lagu go’aamiyay u dhignaa sidan: “Maxkamadda sare waxa u cadaatay Dambiga dhacay inuu yahay kan ku xusan qodobka 445 ee Xeerka Ciqaabta Guud oo ah dagaal ay iskaga horyimaadeen Rafcaanlaha koowaad iyo Marxuumku iyagoo isku adeegsaday Mindi Gur,sida marag muujinta ka muuqata inay ahayd Mindi oouu hor qaatay marxuumku, kuna dambeysay gacanta Marxuumka.Maxkamaddu waxay u cuskatay xukunka qodobka 445 XCG.

Maxkamadda SAre ee Somaliland1-Maxkmaddu waxay ogolaatay Asbaabta Rafcaanleyaasha iyo korhdinta Asbaabta Rafcaanka xukunka Kisikan.

2-Waxay diiday Jawaab celinta ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud.

3- Waxaa wax laga bedelay Xukuunada Maxkamadaha hoose Rafcaanka G/hargeysa ee sumadiisu tahay MRGH/DDRL/39/2001, ee 05/07/2005 iyo ka Maxkamadda G/Hargeysa ee sumadiisu tahay MGH/DDL/588/ 001 ee 13/03/2002 , waxa xoriyadiisa si buuxda loogu celiyay Rafcaanlaha Nuuradiin Maxamed C/qaadir “ina Mutaax X. Cali oo aan wax dambiya ku cadaan, Dil iyo mid kale toona, waxa Rafcaanlaha 2aad Maxamed Muuse Gamateysan “ina Nuuriya Xaashi” ku xukuntay mudadu xidhnaa oo ka bilaamaysa 11 sano iyo sideed bilood iyo labaatan Cisho iyo Magtii Marxuumka Maxamed Axmed Dajaas.

4- Xukunka waxa lagu dhawaaqay 30/06/2013-ka”, ayaa lagu yidhi Qoraalka maxkamadda oo qayb ka mid ah aanu idiinka soo miin-guurinay Gal-dacwadeedka Ninkan lagu sii daayay oo Wargeyska Dawan helay. Nuuradiin Maxamed oo mudo kooban ka sokeeyay Xabsiga Mandheera oo sanado badan hoy u ahaa ayaa Wariye Saleban Cabdi Cali (Kalshaale) oo ka tirsan Wargeyska Dawan iyo Mareegta Gobanimonews kula kulmay magaalada Hargeysa, waxaanu ahaa qof dareen ahaan faraxsan oo aan wax dhibaato ahi dushiisa ka muuqan, inkasta oo aan laga dheehanayn degenaanshiyo dhab ah, kuna jiro marxaalad dib u soo kabasho ah iyo la qabsi nolosha xoriyad ah. Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Xoriyadiisa helo 13 sanadood ka dib markii Jeel ku jiray, balse m uu bixin faahfaahintaasi ka badan oo ku saabsan dareenkiisa iyo duruufihii uu jeelka ku soo maray. Geesta kale Axmed-Wali Maxamed Diiriye oo ka mid ah Daneeyayaasha Xuquuqda Aadamaha Somaliland , isla maraana u dhaqdhaqaaqa dadka xabsiyada ugu xidhan Cadaalad darada, mudo afar sanadood ahna Kiiskan Ninkan daba socday ayaa sheegay in go’aan ka gaadhista Kiiskan iyo kuwo hore mudo dhaaf lagu dhameeyayba intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay fure u noqon doonaan in dib eegis iyo sixid lagu sameeyo Kiisas hore Khaladaad ugu dhacay.

“Kiiskan Ninkan iyo kuwo kale oo wali xidhan mudo dheer ayaan daba socday, waxaanan ku faraxsanahay inuu maanta xoriyadiisa helo, arintaana wxaan ku hambalyaynayaa Maxkamadda sare ee soo deysay, runtii waxa wa jira dad badan oo u xidhan kiisas baadhista ama Maxkamaddaha ku Camaalaqma,oo aan inta badan laga daba tegin, markaa Kiiskan iyo kuwo hore oo lagu guulaystay waxay furre u noqonayaan in Cadaalada la saxo oo dadka xaq-darada ku xidhani Cadaalad helaan”ayuu yidhi. Waxaanu intaasi ku daray “Ninkan Maxkamadda Sare ayaa Qareen u dooda u qabatay, waxaana mudo kooban lagu ogaaday cidii Kiiska loo haysto fulisay oo ah Ninka labaad ee la xidhnaa, waxa kale oo jiray da d kale oo Dumar ku jireen oo la xidhnaa, waxaana lagu xidhay markii dilku dhacay Ninkani wuxuu ka mid ahaa dadkii Dhakhtarka keenay Ninka gacanta lahaa oo dhaawac, waxaanay ku yidhaahdeen sidaanu cadeymaha ku helnay Ninkan nin kale ayay isdileen, kii kale wuu dhintay kana waa dhaawac”ayuu yidhi Axmed Wali.

HR Axmed-wali ayaa ugu dambeyntii Bahda Cadaaladda ugu baaqay in la sii wado xogogaal u noqoshada dadka ku xidhan Xabsiyada waddanka, waxaanu sidoo kale dhaliilay Hay’adaha lacagta ku qaata u gar-qaadista Dadka aan awoodin inay qareeno u qabsadaan dacwadahooda, kuwaasoo uu sheegay inay ka gabiyeen shaqada Ururadda caalamiga ah iyo Waddamada dhinaca Cadaalada ka taageera Somaliland ku siiyaan Mashaariicda. Kiiskan ayaa ah mid inta badan dadka yaab iyo naxdin ku abuuray, isla markaana loo arkaa mid ka mid ah Raadad Calaalad xumo oo xalin balaadhan iyo in si weyn looga hawl-galo soo afjarideeda u baahan. Waxaaanu noqonaya kiiskii labaad ee Xabsiyada ka soo fuura saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaana sanadkii 2011-kii sidan oo kale Xabsiga Mandheera laga soo saaray Nin Magaciisa la yidhaahdo Cabdi Ibraahim oo mudo ka badan 15 sanadood ku xidhnaa Kiis aanu qabin oo Dil ah. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa intii uu xilka hayay dhawr jeer ku cel-celiyay in dib u sixid iyo sugnaan dhab ah lagu sameeyo Cadaaladda dalka, waxaanu si taasi u suurto gasho madaxweynuhu sameeyay ficilo lagu dhiiri-gelinayo Hay’adaha Garsoorka , isagoo dhanka kalena wax ka bedel ku sameeyay Maamulka garsoorka dalka.

Somalilandpost.net/Hargeysa