Somaliland: Muwaaddiniin Shaaciyey in Boqollaal Baloodh Xukuumaddu Xoog kaga Qaadday oo Baaq u Diray Madaxweynaha

NewsHargeysa (SLpost)- Soddon Muwaaddin oo reer Somaliland ah, ayaa cabasho ka muujiyey Dhul ay lahaayeen oo ay sheegeen inay dawladdu si badheedh ah uga qaadday. Dhulkaas ayey sheegeen Xubnahani inay maalgeliyaan oo ay Dugsiyo waxbarasho, Cusbitaallo caafimaad iyo Wershado, balse loo sheegay in Madaxtooyo laga dhisayo.

Qoraal ay ku saxeexan yihiin Xubnaha Guddiga Mulkiilayaashaas oo dalka gudisiisa iyo waddamada dibeddaba kala jooga, ayey ku muujiyeen cabashadooda iyo siday uga xun yihiin waxa ku dhacay, isla markaana waxay Madaxweynaha Somaliland ka codsadeen inuu dhulkooda u soo celiyo, kana joojiyo dayrka iyo dhismaha laga bilaabay Baloodhadoodaas.

Shaxda Qaraalka ay ku saxeexan yihiin xubnahan, isla markaana ku qoran yihiin muwaaddin kasta oo dhul ku leh magiciisa oo saddexan, tirada baloodhada uu ku leeyahay iyo dalka uu deggan yahay oo Warbaahinta ay Guddigu soo gaadhsiiyeen caawa, kuna taariikhaysnaa taariikhda toddoba bisha 1-aad 2019-ka, ayaa u dhignaa sidatan:-

KU: Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland –          Mudane: Muuse Biixi Cabdi

Ujeeddo: Cabasho: Dhul dawladdu ka qaadday Muwaadiniin – Mudane Madaxweyne;

‘Annagoo ah muwaaddiniin u badan qurba-joog oo reer Somaliland ah, waxaan ka cabanaynaa dhul aan kulleenahay Degmada Ibraahin Kood-buur/guul Allaah. Waxaan  ku war helnay dawladda oo ku wareejisay Ciidan iyo dhisme dayr, taas oo haba-yaraatee wax ogeysiin ah oo lanaga talo-geliyay dhulkagayagaa dhismihu ka socdo aanay jirin illaa manta oo laga joogo sagaal bilood ugu yaraan.

Haddaba, Madaxweyne, waxaan kuu sheegaynaa dhulkani inaanu ahayn mid laysku haytso oo wax khilaaf ahi ka taaganyahay ama aanu ahayn dhul dan guud oo dawladdu leedahay, laakiin uu yahay dhul sharciyaddiisu  dhammaystiran tahay.

Annaga oo xeerinayna sharafta dawladnimo, amniga iyo kala dambaynta Qaranka, ayaan kulan la yeelannay Wasiirka arrimaha gudaha, si aan u ogaanno asbaabaha keenay in dhulkayagii dawladdu la wareegto iyo  xaaladdan ka taatan Dhulkayaga aannu sharciga u lahayn.

Mudane Madaxweyne jawaabta aannu ka helnay Wasiirka, ayaa waxay noqotay dhulkaa waa laydinkala wareegay oo Madaxtooyaa laga dhisayaa, balse Wasiirku noomuu sheegin meel aannu u raacno hantidayadii haba-yaraatee iyo cid aannu kala xidhiidhno toona.

Annaga oo Madaxweyne ka xun sida wax noogu dhaceen iyo niyad-samida aannu u haynay horumarinta waddankayaga oo kala fog awgeed, ayaa waxaan ku xasuusinaynaa  madaxweyne in qorshaha dhulkani ahaa inaannu ka dhisno mashaariic horumarineed sida; Cusbitaallo, Iskuullo, Wershado iyo wixii la mid ah.

Hase-yeeshee, Madaxweyne arrintani waxay na xasuusinaysaa ficilladii ay ku kici jirtay dawladdii hore ee Soomaaliya ee laga xoreeyay dalka, waxaanan u aragnaa caddaalad-darro tii ugu waynayd ee ku dhacda muwaaddiniin Somaliland ah tan iyo intii ay jirtay.

Sidaa daraadeed, Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa,

  1. Inaad noo soo celiso hantidayadaa aan xaqa u leenahay.
  2. Inaad ka joojiso dhismaha ka socda dhulka, taas oo aan u aragno sharci-darro, kana soo horjeeda xaqa muwaaddinka, bani’aadaminnimada iyo ta Diinta Islaamka.
  3. Madaxweyne waxaan kaa rejaynaynaa inaad xal ka gaadhid dhulkayaga, tixgelin gaar ahna siiso cabashadayada.

NP-

  1. Arrintan waxa nagu kalifay inaan Warbaahinta u marinno cabashadayada, waxaannu waynay cid noo geysa Madaxweynaha si aan ugala hadalno arrinta dhulka.
  2. Waxanu u sheegaynaa ummadda Somaliland iyo Dawladda Somalilandba in aanu dhulkani ahayn dhul laysku haysto ama khilaaf ka taaganyahyahay, laakin u yahay dhul sharcigiisii dawlada-hoose dhammaystiranyahay.”

Magacyada Mulkiilayaasha Dhulka leh, siday u kala leeyihiin iyo dalalka ay ku kala nool yihiin;-

Khadra Ismail Hassan 2 bloodh Canada
Abdiqadir Sh. Ismail Hassan 2 bloodh Canada
Dr Said Ismail 4 bloodh Canada
Jama Abdi Aw Muhumed 4 bloodh Canada
Osman Xashi Awad 5loodh Canada
Mohamed Cumar Ahmed 1balood USA
Gulied Cumar Ahmed 1balood USA
Ali Cumar Ahmed 1.5balood Canada
Hasan Mohamed Ali 2balood UK
Ibrahim Mohamed Abdi 1bloodh UK
Mohamed Ahmed Warsam 1.5balood USA
Hasaan Mohamed Gulaid 2 bloodh Canada
Khaddar Haji yusuf Nur 7bloodh Norway
Ahmednasir Maxamed Ahmed 5blood Canada
Saciida Rashiid Abdillahi 5bloodh Canada
Maxamed Ahmed Hudle 5bloodh Canada
Hodan Rashiid Abdillahi 5bloodh Canada
Kaize Sahrdiid Osman 1bloodh Somaliland
Kaize libax Buraid 1bloodh Somaliland
Shamis Mahamed Odaaw 10 bloodh Somaliland
Hassan Maxamed Salah 4bloodh USA
Anab Maxamed Odawa 5bloodh Canada
Asha Maxamed Odawa 3bloodh Somaliland
Maryan xasan Awale 1bloodh Somaliland
Zaynab Jama Iidan 2bloodh UK
Khaddar Yasiin 1bloodh Somaliland
Khaddar Abdi 2bloodh Somaliland
Mohamed abdullahi Suugaal 4bloodh Canada
Abdullahi Ali  Ibrahim 10bloodh Canada
Said Hassan Ali Maal 1 bloodh Somaliland

Magacyada Guddiga

  1. Canab Maxamed Odowaa
  2. Maxamed Axmed Hudle
  3. Aadan C/raxman Sh.Mohu’ed
  4. Maxamed Cumar
  5. Maxamed Adan Cumar.