Somaliland: Maxaabiista ku jira Xabsiyada dalka oo Markii u horeysay helaya Waxbarasho Jaamaceed

Xabsiga Dhexe ee HargeysaHargeysa (SLpost)- Wasaaradda Caddaaladda Somaliland iyo Jaamacadda Beder oo ka dhisan magaalada Hargeysa, ayaa maanta kala saxeexday heshiis markii u horeysay u saamaxaya maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka inay diyaariyaan Waxbarasho heer-jaamacadeed ah iyagoo xabsiga gudihiisa ku jira.

 

Kulan saaka ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda Caddaaladda oo lagu shaaciyey hirgelinta qorshahan, Waxa goob-joog ka ahaa Wasaarka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Md Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Prof Mubaarak Ibraahim Aar iyo Saraakiil ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida ee UNSOM.

WARKAN OO DHAMMEYSTIRNA KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSEÂ