Somaliland: Magacyada 6 Qof oo maanta Xukun Qisaas ah lagu fuliyey

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliska ee Somaliland oo fulinaya amar ka soo baxay Maxkamadda Sare ee iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida, ayaa dil qisaas ah Maanta ku fuliyey Lix Gacan-ku-dhiigle oo hore dilal u geystay.

Qoraal wargelin ah oo lagu shaaciyey magacyada Lixda Qof oo uu saxeexan yahay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa lagu caddeeyay in subaxnimadii hore ee saaka La fuliyey dilalka qisaasta ah.

Magacyada Marxuumiinta dilalka Qisaasta ah lagu fuliyey subaxnimadii hore ee saaka, ayaa kala ah:-

  1. Faarax Maxamed Cilmi (Ina Aamina Cali), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Faarax Cismaan Jaamac.
  2. Khaalid Cabdi Xaydar (Ina Nimco Cismaan), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Liibaan.
  3. Khadar Maxamed Warsame (ina Amran Yuusuf), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Xasan Cabdi Jaamac.
  4. Sharma’arke Sahal Oogle (Ina Faadumo Maxamed), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Cabdi Aadan Jaamac.
  5. Yaasiin Maxamed Yuusuf (Ina Xaliimo Barre), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Farxaan Maxamed Aadan.
  6. Ex-Askari Boolis, Cabdikariim Maxamed Cali (Ina Caasha Aw-Aadan), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Ex-Askari Boolis Sakariye Cabdiraxmaan Cismaan.

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, Dilka Qisaasta ah, ayaa subaxnimadii hore ee saaka lagu fuliyey Goob Fagaare ah oo ka soo horjeedda Xabsiga Mandheera.

Dilka Qisaasta ah ee maanta la fuliyey, ayaa noqonaya markii labaad ee sannadkan 2020 la fuliyo, iyadoo sidan oo kale bishii January 15-keedii 2020 la fuliyey qisaasta Lix Qof oo hore dilal u geystay.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net