SOMALILAND: Magaalo dhowr todobaad ka hor looga barakacay Daadadka Roob ku Da’ay oo wakhtigan Xaafado ka mid ah Biyo-la’aan looga Qaxayo iyo baaq Qaylo-dhaan ah oo laga dirayo

Berbera (SLpost)- Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil oo dhowr todobaad ka hor Roobab Mahiigaan ah oo dalka ka da’ay ay ku keenaan Daadad khasaare kala duwanna soo gaadhsiiyey qaybo ka mid ah magaalada, qoysas badanna ka barakiciyey hoygooda, ayaa wakhtigan laga soo sheegayaa xaalad biyo la’aaneed oo ku habsatay xaafado ka tirsan magaaladaas.

suldaan cali

Suldaan Cali Saleebaan oo la mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Saaxil, ayaa baaq qaylo-dhaan ah kaga dayriyey xaalad biyo-la’aaneed oo ka jirta Xaafadda Burco-Sheekh ee magaalada Berbera. Suldaan Cali Saleebaan oo u warramay Rasmi Media, waxa uu sheegay in qaybo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafaddaasi biyo-la’aan awgeed ugu qaxaan xaafadaha kale ee magaalada, waxaanu wax aan loo dul-qaadan karin ku tilmaamay in wakaaladda biyuhu ay ka gaabiso sidii xaafaddaas biyo ku filan loogu qorshayn lahaa, wakhti todobaad kaliya laga joogo markii wakaaladda Biyaha lagu wareejiyey Mishiin cusub oo loogu talo-galay biyo-soo-saarka magaalada.

Suldaanku waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay inay biyo la’aan ka cawdaan dadweynaha xaafadaha magaaladu maadaama sida uu sheegay aanay ahayn xilli Abaar ah, Wakaaladda Biyuhuna awoodi karto inay soo saari karto biyo ku filan xaafadaha magaalada. ku kaga Dayriyey biyo-la’aanta, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo weli lagu gudo- jiro Xilli-roobaadkii, isla markaana sidoo kale dhowr todobaad laga joogo markii ay magaaladaas ka da’eem roobab mahiigaan ah oo daadadkii ka dhashay ay si xooggan u baro-kiciyeen shacabka magaalada Berbera.

Somalilandpost.net

Berbera