Somaliland: Madaxtooyada oo ka hadashay Saraakiil lagu dilay Yagoori iyo Amar Madaxweyne Biixi Soo Saaray

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay dilka Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Asluubta oo dabley hubaysani maanta ku dileen degmada Yogoori ee gobolka Sool.

 

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu faafiyey tacsi madaxweynuhu u diray ehelkii, qaraabadii, Ciidamada Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Allah haw naxariistee Taliyihii Xabsiga Degmada Gar-adag Gaashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan iyo Taliye ku-xigeenkii Saldhigga Booliska degmada Gar-adag Laba Xiddigle Nuur Aw-Cali Nuux, kuwaa soo dabley hubaysan jidgooyo u galeen deegaanka Gobabka Maxan ee degmada Yagoori oo ka tirsan gobolka Sool.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Muuse Biixi waxa uu laamaha amniga iyo ciidamada kala duwan ku amray in sida ugu dhakhsaha badan gacanta loogu soo dhigo gacan-ku-dhiiglayaasha geystay falka dilka ah, waxaanu uga digay cid kasta oo isku dayda inay ku kacaan falal amniga waxyeello u geysanaya.

War-saxaafadeedka dhambaalka tacsi madaxweynaha lagu faafiyey, ayaa u qornaa sidan:- 

 

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Ciidamada Qaranka, shacbiga Somaliland iyo Qoysaskii ay ka baxeen labada Sarkaal oo ka tirsanaa Booliska iyo Asluubta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-
1. Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.
2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Saraakiishaas oo ay galabta dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.