Somaliland: Madaxda Qaranka oo Heshiis ka gaadhay Khilaafka Doorashada iyo Nuxurka Qodobbada Xisbiyadu ku isla qaateen

Hargeysa (SLpost)- Shir ballaadhan oo ay maanta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali-waraabe iyo saraakiil sarsare oo katirsan saddexda xisbi qaran, ayaa lagu soo afmeeray guud ahaanba caqabadihii iyo murankii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana laga soo saaray qodobbo heshiis ah oo lagaga gudbayo caqabadahaas.

Shirkan ay madaxda qaranka ugu sarraysaa ku kala saxeexdeen heshiiska oo uu guddoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la iskula gartay in  soo jeedintii mucaaridka ee kordhinta xubnaha komishanka loo maro dalab ka yimaadda ugu yaraan 11-xildhibaan oo golaha wakiillada ahi, kuwaas oo haddii gole weynuhu ogolaado laba xubnood lagu soo dari doono tirada haatan ee Toddobada ah.

Heshiiska saddexda  xisbi qaran ka gaadheen qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deeganka, ayaa waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyayaasha xsibiyada WADDANI iyo UCID, wakiilka midowga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo  Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga iyo xubno kamid ah saraakiisha ugu sarraysa saddexda xisbi qaran, waxana ay saddexda guddoomiye xisbi muujiyeen sida ay xilka iskaga saarayaan inay doorashadu ku qabsoonto waqtigii loogu talo galay.

 

qodobada heshiiska saddexda xisbi

Qodobbada Heshiiska ayaa waxa ay u dhignaayeen sidatan:

 

  1. Saddexda Xisbi Qaran waxay ku heshiiyeen Mooshin lagu kordhinayo in xubnihii Guddida Doorashada Qaranka oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood, loona gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay wax-ka-bedeel iyo kaabis ugu sameeyaan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), kaas oo wax ka-bedel lagu sameeyey 15/9/2012, Qodobka 11aad, Farqada 1aad – a) iyo Faqrada 2aad b) ka hor 8 August 2019.

 

  1. Mooshinka waxa gudbinaya ugu yaraan 11 Xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL, kana soo kala jeeda Saddexda Xisbi Qaran.   

 

  1. Xisbiyada Qaranku waxay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan wax-ka-beddelka qodobka koowaad ee heshiiska Saddexda Xisbi Qaran, inta ka horaysa 1 September 2019.
  1. Haddii wax-ka-beddelka qodobka 1aad ee heshiiskan ay ansixin waayaan Golaha Wakiilladu inta horaysa 1September 2019, waxa Saddexda Xisbi Qaran isku raaceen in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiillada ee cusub, kaddib doorashada.
  1. Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), ee wax-ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012 – Qodobka 11aad, Farqada 1aad iyo 2aad), haddii Golaha Wakiilladu ansixiyo wax-ka-beddelka Xeerka, xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 9 xubnood, haddii Golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 7-dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka Doorashada, ugu danbayn 1 September 2019.
  1.  Hannaanka soo xulista xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa kala horaynta ku xusan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada  (Xeer Lr. 20/2002) ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey 15/9/2012 Qodobka 11aad, Farqada 2aad.
  1. Saddexda Xisbi Qaran waxay si wada jira u soo jeedinayaan in Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15 October 2019.
  1. Saddexda Xisbi Qaran waxay isku raaceen:
  • In Guddida Doorashada ee hadda xilka haysaa ay diyaariyaan Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo in Guddida Doorashada ee cusubna ay qabtaan Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo doorashada.
  • In ay hawl-galaan guddiyadii Saddexda Xisbi Qaran ee magacawnaa, kana koobnaa 15-ka xubnood, si joogto ah oo wada jira uga hawl-galaan hawlaha qabsoomidda doorashada.

qodobada heshiiska saddexda xisbi2

 

Guddoomiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID oo saxeexa kaddib halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inay guddoomiyeyaal ahaan ka go’an tahay qabsoomidda doorashada, iyaga oo madaxweynaha, goleyaasha qaranka iyo beesha caalamkaba ku bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin hirgelinta hesshiiskan taariikhiga ah ee lagaga gudbayo caqabadaha ku gedaaman doorashada.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhinaciisa madasha kelmado kooban ka jeediyey, ayaa ugu axsaabta mucaaridka iyo wakiilka midowyga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya uga mahadnaqay fududaynta heshiiskan, isaga oo hay’adaha dawladda iyo hay’adaha kale ee qarankaba  faray inay fudaydiyaan heshiiskaa.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu si kooban uga hadlay shaqaaqada ka taagan deegaanno katirsan gobolka Sanaag, waxana uu caddeeyey inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay inay arrintaasi nabad kusoo dhammaato, “Annagu xukuumad ahaan, annaga oo  aan sharciga dalkana ku xad-gudbaynin waxannu diyaar u nahay  in wax kasta oo xaggayaga  dulqaad, qaboojin iyo gacan walaaltinimo ahba aannu u fudinno oo dabcinno kaliya wixii sharci ah ee aan la dhaafi karaynin mooyaane,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.