Somaliland: Madax-dhaqameedka mar kale baaq nabadeed u jeediyey Garaaddada Beesha Dhulbahante

Hargeysa, 05 March, 2012 (SLpost)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu waaweyn Somaliland ayaa ugu baaqay Madax-dhaqameedka beelaha Dhul-bahante inay ka hawl-galaan sidii nabad lagu gaadhi lahaa.

Salaadiinta oo warbaahinta kula hadlay hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa waxay si wadajir ah ugu baaqeen Waxgaradka, Odayaasha iyo Garaadada deegaanada Buuhoodle inay aqbalaan gogosha nabada ee uu Madaxweynaha Somaliland hore ugu fidiyay, isla markaana waxay ku booriyeen in dagaalka la joojiyo.

Waxa ugu horreyn halka ka hadly Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale ayaa yidhi, “Anagoo ah salaadiinta Somaliland inta Hargeysa joogta waxaanu leenahay wixii dhacay way dhaceenne, waxaanu ku baaqaynaa Nabad wixii nabadda lagu waayo xumaan laguma helo. Waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba waxaanu u fuulaynaa nabadda.Waxaanu leenahay Beeshayada Dhulbahante oo ugu baaqaynaa nabad, xukuumadayadana waxaanu ugu baaqaynaa nabad.”

Suldaan Aadan Faarax oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa walaalahayaga Buuhoodle iyo Sool baaq nabadeed.dagaalkii ka dhacay deegaamadda Buuhoodle waxa sababay shirkii Khaatumo-seeg wixii ka soo baxay. Waxaanu tacsi u diraynaa eheladii dadkii ku dhintay dagaalkaasi ha noqdaan ciidammadda qaranka, beesha Buuhoodle iyo jabhadihii halkii ka dagaalamayay. waxaan leeyahay walaalayaal maanta Somaliland waxay maraysaa marxalad wanaagsan.”

Suldaan Aadan Faarax wuxuu sheegay inay gogol nabadeed fidinayaan isla markaana ay diyaar u yihiin inay Buuhoodle tagayaan hawlo nabadeed.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland iyo Salaadiinta dalkuba diyaar u yihiin inay nabad-gelyadda ka shaqeeyaan, waxaanu garaadada iyo isimadda beelaha Dhulbahante u soo jeediyay inay la yimaadaan dhaqan nabadeed oo ay xal lagaga gaadho tabashooyinkooda.

Salaadiinta shirka jaraa’id qabtay waxa ka mid ahaa Suldaan Axmed Nuur, Suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Ismaaciil Suldaan, Cabdiraxmaan, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi, Suldaan Axmed-daahi iyo Suldaan Axmed Nuur Samaale.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net