Somaliland: Laba Milyan oo Qof oo Gar-gaar u baahan iyo Baaq Xukuumaddu u dirtay Beesha Caalamka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay cunto la’aani soo food-saartay Shacabka reer Guuraaga ah ee ku nool gobollada dalka qaarkood, waxaanay beesha Caalamka ka dalbatay gar-gaar deg-deg ah iyo mucaawimooyin raashin ah.

 

Guddoomiyaha hay’adda Ka-hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka Raashinka Qaranka ee Somaliland Faysal Cali Sheekh oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in tiro ku dhow Laba Milyan oo qof oo shacabka Somaliland oo ku kala nool gobollada kala duwan u baahan yihiin gar-gaar deg-deg ah, waxaanu hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Qaramada Midoobay iyo xukuumaddaba ka dalbaday kaalmo deg-deg ah.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KADAAWO MUUQAALKA HOOSE

https://www.youtube.com/watch?v=HGQZywbDl3U