Somaliland: Komishanka Doorashooyinka oo Xukuumadda uga digay Xadhigga Murashaxiinta

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa war-saxaafadeed ay maata soo saaray ku sheegay inaanay bannaanayn xadhigga murashaxiinta u tartamaya doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee ku soo baxay liisaska rasmiga ee ay dhawaan soo saareen.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka maanta oo lagu socodsiiyey hay’adaha kala duwan ee Dowladda, waxa lagu sheegay inaanay sharciyan bannaanayn xadhigga murashaxiinta u tartamaya Doorashooyinka isla markaana ay haystaan xasaanad ka horjoogsanaysa in la xidho haddii aanay faraha kula jirin dambi ciqaabadeed, sida uu dhigayo xeerka guud ee Guddiga Doorashooyinka.

War-saxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka, waxa lagu yidhi, “Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu soo aaray Liiska Murrashaxiinta Golaha WakiiIada iyo Goleyaasha Deegaanka oo soo kala baxay 21-kii April iyo 25 April 2021.

Xubnaha liisaskan ku jira ayaa ah murashaxiinta u tartamaya Golaha wakiIIada iyo goleyaasha deegaaanka ee Doorashada soo socota oo uu sharcigu siinayo xasaanad iyo in aan Ia xidhi karin xilliga ay doorashada ku jiraan.”

“Sidaa darteed, Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu ogeysiinayaa dhammaan Hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo cid walba oo ay khusayso in sharciyan aanay bannaanayn in la xidho murashaxiinta u tartamaya doorashooyinka xilliga doorashada lagu jiro, sida uu dhigayo Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qodobka 26aad, Faqradiisa 2aad oo u dhigan: “Murashaxiinta, hawI-wadeennada xafiisyada doorashooyinka Iyo wakiillada Xisbiyada lama xidhi karo xilliga Doorashada haddii aan la qaban iyaga oo danbi ciqaabeed faraha kula jira”.

“Hay’adaha uu war-saxaafadeedkani khuseeyo waxa lagu war-gelinayna in ay tixgeliyaan qodobbada sharci ee kor ku xusan.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net