“Somaliland Iyo Somalia Waa Laba Dal Oo Jaar Ah, Cid Nagu Matasha Doorashooyinka Somalia Ka Dhacaya Ma Jirto” Wasiirka Arrimaha Dibada

Hargeysa (SL.Post)  Wasiirka arrimaha dibada Somaliland  Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay in Xukuumdad ahaan ay u taagan yihiin madaxbanaanida Somaliland, islamarkaana ay  ay Somaliland yo Somaliya yihiin labad dal oo deris ah.

 

 

 

“Soomaaliya iyo Somaliland waa labo wadan oo jaar ah, cid nagu matasha ma jirto Doorashooyinka ka dhacaya Somalia, horayna waanu u sheegnay, haddana waan ku celinaynaa, Arrimaha geeddi-socodka Siyaasadda Soomaaliya wax innaga na quseeya ma ahan.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo u waramay BBC

 

 

 

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre waxa kale oo uu intaas ku daray In Somaliland sanadka soo socda uu ku soo fool leeyahay ka qabsoomayaan doorashooyin oo ay u taalo shacbiga Somaliland ku nool oo aanay khusayn Somaaliya.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa