Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland Oo Ciidamo Dhigay Aaga Deegaanka Carmaale Ee Gobalka Sanaag

Somaliland (Slpost) Kadib booqashadii madaxweynaha Soomaaliland  ee Laas-qoray waxaa sii kordhaysa xiisada siyaasaddeed ee ka jirta gobolka Sanaag.

galgala1-2-348x180

Wararkii ugu dambeeyey ee ay maanta laga helayo gobolka Sanaag,  waxay sheegayaan in cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Soomaaliland ay tageen deegaanka Carmaale oo 75km u jirtamagaalada Badhan.

Wararka kale ayaa waxa habeenimadii xalay wareysi ay la yeelatay idaacada VOA  wasiirka warfaafinta

maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Indha-guran oo xalay la hadlay VOA, wuxuu sheegay in soomaaliland ay ciidan ku daabulayso gobolka Sanaag taasoo abuurayso collaad iyo dagaal dhaca, dadka gobolka Sanaag ayaa kacsan waxayna saamayn ku yeelatay xiisada jirta, sida aan wararka ku hayno.

Soomaaliland oo ka hadashay dhaqdhaaqan ayaa tilmaantay in ciidamada tegay gobolka Sanaag ay yihiin kuwa tababar dhamaystay oo dib uga howl-bilaabaya xaruumahoodii hore, xiisada gobolkaas ka jira ayaa u muuqata mid adag tan iyo 16-kii bishan oo madaxweyne Siilaanyo tegay Laas-qoray.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland