“Somaliland iyo Itoobiya waa inay wadaagaan ganacsi laba dhinac ah oo labada waddan faa’iido ka helaan” – Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa

Addis Ababa (SLpost)- Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Berhe Tesfaye oo waraysi siiyey jariiradda laga leeyahay dalka Itoobiya ee Waltainfo,  ayaa ku dooday in iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya keenay in argagaxisada iyo xumaan-wadayaashu ka caagaan Somaliland.
Berhe Tesfaye wax uu sheegay in ku sheegay in dalkiisu wax badan u huray sidii bulshada reer Somaliland uga sifeyn lahaayeen dalkooda argaxisada iyo xumaan-wadayaasha.
“Xilliyadii hore, argagaxiso iyo xumaan-wadeyaal ayaa gabood heli jiray,” ayuu yidhi, Brig Gen Berhe, balse xilligan, “Waxay ku noqotay cidhiidhi  kooxahaa doonayey khalkhalinta deegaamada.”

 Safiirka Itoobiya ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey shacabka reer Somaliland kaalinta ay ka qaataan la socodka iyo soo gudbinta macluumaadka ku saabsan halganka lagula jiro argagaxisada “Shacabka Somaliland waxay u heelan yihiin ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha dalkooda,” ayuu raaciyey.

 Ethiopian Consular“Kulamo wacyigelineed, shirar, iyo isu-imaatin dadweyne ayaa la qabtay,” isagoo raaciyey, “ururadaasi waxay awoodeen inay sare u qaadaan dareenka shacabka ee ku saabsan xasiloonida iyo horumarka gobolka geeska.”
Maadama meel lagu tiiriyey xasiloonida iyo degenaanshaha Somaliland, Itoobiya waxay sidoo kale ka shaqeynaysaa xoojinta xidhiidhka ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya labada wadan, sida uu sheegay safiirku. “Waa wanaag in badeecadaha Itoobiya gaadhaan shacabka Somaliland, si kasta, waa in ganacsigu noqdaa mid labada dhinac is-dhaafsadaan, si labada dhinacba faa’iido u helaan,” ayuu yidhi Tesfaye.

 “Xilligan, maalgashedayaal kooban oo Itoobiyaan ah ayaa maalgashaday Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada,” ayuu yidhi, isagoo raaciyey,  “Dedaalo ayaan wadnaa ugu soo jiidayno in maalgashedayaal badan oo Itoobiyaan ah maalgashedaan Somaliland.”