Somaliland iyo Hawadeeda sare? Q.1aad – W/Q: Cabdikariim Cali Baarjeex

Sida aynu la wada socono, waxa dhowaan lagu soo gebogebeeyey dalka Turkiga wareegii 4aad ee wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya. Arimaha lagu heshiiyey waxa ka mid ah, qodob qeexaya in Maamulka hawada sare ee dalkii Somalia lagala soo wareego hayadaha kala duwan ee gacanta ku haya (UN/UNDP/ICAO/CACAS), la abuuro hay`ad wadaag/wadajir ah (Somaliland/Somalia) oo u xilsaaran maamulka iyo la socodka hawada sare taas oo xarunteedu noqon doonto magaalada Hargeisa iyo in si siman/cadaalad ah loo qaybsado dakhliga ka soo xerooda marista Hawada sare (overflight charges).
Waxaan leeyahay, waa saadaal wanaagsan in la arko Somali wax ku heshiinaysa haba yaraadee, hase yeeshee, marka aad si dhugmo leh ugu fiirsato qodobkaa lagu heshiiyey, waxa muuqanaysa inuu u baahan yahay sharaxaad badan iyo in la cadeeyo heerarka masuuliyadaha ay kala leeyihiin Somaliland iyo Somalia. Somaliland waa dal nabad ah hase yeeshee aan haysan ictiraaf caalami ah, taas oo macnaheedu yahay inuu kooban yahay macaamilka tooska ah iyo heshiisyada ay Somaliland la yeelan/geli karto dalalka aduunka marka laga hadlayo dhinaca duulimaadyada rayidka (civil aviation). Dhinaca kale Somalia waa dal haysta ictiraaf caalami ah kaas oo u suurtogalinaya inay heshiisyo caalami ah oo khuseeya aviationka (e.g. bilateral agreements) ay la gali karto adunweynaha, balse waa dawlad aan gacmaha waxba ugu jirin oo aan wada maamulin xataa magaalada Muqdisho, sidaa daraadeed heshiis kasta oo ay Somalia gasho oo khuseeya Somaliland iyo hawadeeda sare waa waxba kama jiraan haddii aan ogolaansho laga heli Somaliland.
Waxa u baahan in si cilmiyeysan loo daraaseeyo heshiiskani waxa uu faa`iido iyo khasaare u keeni karo Somaliland, haday tahay dhinaca dhaqaalaha, shaqo abuurka, tababarada, sumcada, siyaasada iyo saameynta uu ku yeelan karo qaranimada Somaliland. Balse, dhamaan arimahaa aan xusay waxaan u dhaafayaa Masuuliyiinta ay khuseyso si ay iyagu u balbalaadhiyaan una iib geeyaan, waxaanse u ka hadli doonaa shuruucda caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka, doorka ay Somaliland ku yeelan karto maamulida hawada sare ee dalkii la isku odhan jirey Somalia iyo inay Somaliland awood u leedahay inay hanato hawadeeda sare iyo in kale.
Haddii aynu cajalada taariikhda dib u celino, ka hor xornimadii Somaliland ee 26.June iyo abuuridii Jamhuuriyada Somalia ee 01.July.1960kii, Somaliland waxay wakhtigaa horumar weyn ka sameysey dhinaca aviationka, waxaana ka jirey garoomo diyaaradeed oo heer caalami ah sida Hargeisa Airport oo dawladii gumaysiga ingiriisku dhistay sanadkii 1958kii, isla markaana ahaa goob camiran oo badiba khadadka diyaaradaha ee bariga Afrika isaga gooshaa ay maraan.
Isla wakhtiyadaa waxa Somaliland, gaar ahaana Hargeisa Airport duulimaadyo toos ah ku iman jirey shirkado caalami ah oo ay ka mid ahayd shirkadii ADEN AIRWAYS oo maalgalinteedii hore ay lahayd dawlada ingiriisku gaar ahaana shirkadii British Overseas Airways Corporation (BOAC), balse xornimadii ka dib Aden Airways waxay ku hadhay gacanta Yementii koonfureed.
Dr. Ahmed Nagi, oo ka mid ahaa hawlwadeenada shirkadaa Aden Airways oo aan kula kulmay Djibouti, wuxuu ii sheegay inay todobaadkiiba diyaaradu dhowr jeer u duuli jirtey Hargeisa iyada oo rakaab iyo alaab u qaadaysa. Sidoo kale waxa uu Doctorku xusay in diyaarad rakaab ah oo shirkadaasi lahayd ay ku burburtay Hargeisa sanadkii 1964kii.
Haddii aynu eegno, dhinaca aqoonta iyo khibrada shaqaalihii ka hawlgali jirey garoomada Somaliland xornimadii ka hor, waxa xusid mudan inay ahaayeen kuwo ka horeeya dhigooda ka hawlgali jirey Muqdisho marka dhinacyo badan laga eego. Waa ta koowaade, Shaqaalihii aviationka ee British Somaliland waxay ku hadli jireen luqada ingiriiska oo ah luqada rasmiga ah ee Aviationka, iyaga oo hawl maalmeedka shaqona u adeegsan jirey luqadaas, taas oo sahashay/fududeysey inay xidhiidh caalami ah la yeeshaan aduunweynaha, halka shaqaalaha Muqdisho Airport ay xooga saari jireen ku hadalka luqada Talyaaniga oo ku hadalkeedu aanu dhaafsiisnayn Rome iyo Asmara. Waa ta labaade, shaqaalihii Somaliland ee xilligaasi waxay tababaro caalami ah u tagi jireen dalka ingiriiska halkaas oo ay ku soo baran jireen culuumta la xidhiidha hagida diyaaradaha iyo saadaasha hawada.
Sida aan ka soo xigtay Abdulaziz Al-Mutairi oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Kuwait wax badana ka og Somaliland, xornimada ka hor waxa ka jirey Somaliland hay`ad la odhan jirey British Somaliland Civil Aviation Authority (BSCAA) taas oo qaabilsanayd hagida diyaaradaha iyo saadaasha hawada sare. Sida aqoonyahanku sheegay, dhaqaale ahaan iyo farso ahaanba hay`adan waxa maamuli jirtey dawladii ingiriiska, hase yeeshee socodsiinta hawlmaalmeedka shaqo (day-to-day) waxa fulin jirey shaqaalahihii reer Somaliland. Hay`dani waxay shaqaalaheeda tababaro ugu diri jirtey dalka ingiriiska, waxaana sharaf weyn ahayd in ninkii ugu horeeyey ee diyaarad ka haga garoonka diyaaradaha ee Kuwait International Airport uu ahaa shaqaale ka tirsan hay`adan British Somaliland Civil Aviation Authority (BSCAA) oo Kuwait loo geeyey si uu u tababaro shaqaalaha ka hawl gali doona Towerka. Arintaasi waxay muujinaysa heerka aqoonta, kartida iyo khibrada ay shaqaalihii reer Somaliland ee waagaas ka hawlgali jirey aviationku ay lahaayeen.

La soco qaybaha dambe

Cabdikariim Cali Baarjeex
BA (Hons) Aviation Management
baarjeex@hotmail.com