SOMALILAND IYO DABINKA LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA IYO BUDHCAD-BADEEDDA… MIYAY DALAQ ODHAN?! MISE DOC BAY UGA JOOGSAN?!

Argagixisada iyo budhcad-badeeddu waa laba belaayo maanta dunidan aynu joogno caan ka ah, waana laba cadow oo in lala dagaallamo iyo in laga hortagoba mudan. Hase yeeshee waxa jira belaayo ama cadow labadaaba ka sii daran oo kana khatarsan oo in laga feejignaado iyo in laga hortagoba mudan.

Belaayadaasi wa dagaalka ka dhan ka ah argagixisada iyo budhacad-badeedda laftooda ee reer galbeedku horkacayaan.  Sidaa darteed ma aha argagixisada iyo budhcad-badeedda laftooda, ee waa dagaalka ka dhanka labadoodaas ee Maraykan, Ingiriis horkacayaan  halka  Somaliland khatarta dhabta ahi kaga soo fool leedahay!

Waxa laga yaabaa inaad tidhaahdo: waayo? Waana gar inaad sidaa tidhaahdaa, balse markaad isha mariso faqradaha soo socda waxaan filayaa inaad jawaab shaafiya ka heli doontid sababta aan sidaas u idhi.

Waxa laga yaabaa argagixisadu inay meelo qarxiso, inay dad layso iyo inay khasaare kaleba geysato. Sidoo kale waa suurtagal in budhcad badeeddu maraakiib afduubto, inay marinnada ganacsiga xidho oo noloshu sidaa cidhiidhi ku gasho. Sidaa awgeed waa waajib in labadaba laga hortagaa, su’aashuse waxay tahay: sidee looga hortegayaa? Yaase ka hortegaya?

Ma reer Somaliland oo keliya? Ma cid kale? Mise reer Somaliland oo cid kalena ku lammaan tahay?

Dagaalka ka dhanka ah argagixisadu waa dhacdada ugu caansan dunidan aynu maanta ku noollahay tobaneeyadii sanadood ee ugu dambeeyey. Waa dagaal sahayday dawlado dhowr ah, dalalkoodiina burburiyey.

Marka loo fiirsado dagaalkaasi meelaha kala duwan ee ka socdo  waxa kuu muuqanaya waxyaabo badan oo isu eg-eg oo shaki iyo isweydiin keeni kara.

  • Goobta; dhammaan meelaha dagaalkaasi ka socdaa waa dalal muslim ah.
  • Sababta; dhammaan dagaaladani waa argagixiso la dirir. Meel kastoo ay ka dhacayaanna waxa dagaalka hortii ka soo baxa kooxo magacyo diineed sita oo wax qarxiya, idaacadaha iyo telifishinnadana ka sheegta.
  • Dhinacyada ka qayb gelaya; dhammaan dagaalladaasi waxay u dhexeeyaan gaashaanbuurta reer galbeed oo Maraykan iyo Ingiriis horkacayaan iyo xukuumadihii dalakaas ka dhisnaa oo isku dhinac ah, iyo kooxihii magacyada diineed lahaa ee aynu soo tilmaanay oo dhinaca kale ah.
  • Dhibbanaha; dagaalladan dhibaatada ka ratibanta oo dhammi waxay soo gaadhaa isla waddamada ay ka dhacaan, waxa dhinta dadkooda, waxana ku burbura hantidooda.
  • Natiijada kama dambaysta ah; natiijada kama dambaysta ah ee dagaalladani waxay noqotaa burbur, tafaraaruq iyo dib u dhac  boqollaal sannadood ah oo dhinac walba ka soo gaadha shacbiga dalalkaas ku dhaqan.

Marka la iskaga yimaado waddamada dagaalkani hore u sahayday ee Ciraaq iyo Afqaanistaan ka mid yihiin, waxa tusaale wax lagu qaato noqon kara Pakistan oo si aan kala hadh lahayn u taageertay dagaalkaa isaga ah, maantana qarka u saaran in iyada lafteedii bar-tilmaameed u noqoto isla dagaalkii ay shalay qaybta ka ahayd! Dawlad kasta dagaalkaas madax madax u gashana taasaa sugaysa!

Haddaan haddaba usoo noqdo ujeeddadii maqaalka waxa jira dabin amaba  shirqool ka dhan Somaliland oo dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku soo maleegeen, kaasoo haddaan laga hortegin oo la baajin jiritaanka iyo qaranimada Somaliland dhib badan gaadhsiin kara meeshaba ka saari kara.

Shirqoolkaasi wuxu ka dhigan yahay in Somaliland madaxa loo geliyo dagaalkaas aynu ka soo hadalnay ee argagixiso la dirirka, lagana dhigo goob dagaal oo ay ku hirdamaan xoogag shisheeye.

Sida wargeyska Saxansaxo ku qoray cadadkiisii soo baxay December 14, 2011, xoghayaha gaashaandhigga ee dawladda maraykanka Mr. Leon Peneta ayaa sheegay: “in dawladdiisu haatan diiraddii la dagaallanka argagixisada usoo wareejisay kooxaha Al-qaacida ku xidhan ee ku sugan Soomaaliya iyo Yaman”. Mr. Peneta oo ka hadlayey Jabuuti ayaa sheegay in maraykanku sii wadi doono dabagalka uu ku hayo kooxahaas al-qaacida ku xidhan oo kooxda al shabaabna ka mid tahay.

Waxa taas kasii horreeyey ra’iisal wasaaraha Ingiriiska oo badhtamihii bishii ina dhaaftay ee Nofember ku dhawaaqay in dawladdiisu marti gelin doonto shir lagaga wada hadli doono: “sidii maraakiibta ganacsi ee maraysa gacanka cadmeed looga badbaadin lahaa budhcad-badeedda”. Shirkan oo ay ka soo qayb geli doonaan dalalka lagu tilmaamo kuwa Soomaaliya daneeyaa, wuxu sida la qorsheeyey London ku qabsoomi doonaa 23ka feb 2012ka.

David Cameroon oo ka hadlayey shir sannadkiiba mar la qabto oo xukuumadda Ingiriisku ku soo bandhigto siyaasadaha ay mudnaanta ay koowaad siin doonaan sannadka soo socda, wuxu si gaar ah farta ugu fiiqay Somaliland, isagoo adeegsaday ereyga “Gacanka Cadmeed” oo ah magaca juqraafi ahaan loo yaqaan badda u dhexaysa Somaliland iyo Yaman, hase ahaatee marka Soomaaliya laga hadlayo ee “Gacanka Cadmeed” la soo qaado waxa loo jeedaa badda Somaliland. Ra’iisal wasaare Cameroon waxa uu Somaliland ku tilmaamay “meel khatar toos ahi dalkiisa kaga imanayso”.

Mr Cameroon wuxu si cad u yidhi “Budhcad-badeedda soomaalidu ma aha wax naga qarsoon, waa niman gacantooda adeegsada, sharcigana ka baxsan, waxana la joogaa waqtigii aannu si toos ah ula dagaallami lahayn”.

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii yidhaahdo: haddii Maraykan iyo Ingiriis la dagaallamayaan Al-shabaab iyo budhcad-badeed, maxaa ku jaban? maxaase Somaliland ka khuseeya?

Marka hore Maraykan iyo Ingiriis midkoodna ma aqoonsana madaxbannaanida Somaliland. Mar labaadkana si cad bayba u sheegeen in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya (waa siday iyagu u arkaane), Soomaaliya oo Somalilandna ka mid tahayna bartilmaameed u tahay hawlgalladooda ciidan.

Sida wargeyska Geeska Afrika ku qoray cadadkiisii 1336 ee soo baxay 30kii Nofember 2011ka, wasiirka arrimaha debedda ee dawladda Ingiriiska Mr William Hague oo su’aalo la xidhiidha siyaasadda xukuumaddiisa ee u aaddan Somaliland, Soomaaliya iyo shirkaas  lagu weydiiyey baarlamaanka dalkiisa, wuxu si cad u sheegay in aan dawladdiisu marnaba wax aqoonsi dawladnimo ah siinayn Somaliland, isla markaana ay u arkaan uun qayb ka mid mushkiladda Soomaaliya, arrinka dawladdiisu sida weyn u danaynaysaana yahay” sidii xal guud loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya”.

William Hague oo iftiimin ka bixinaya nooca xalka guud ee uu sheegayo ayaa tilmaamay in: “hawsha dawladdiisa u taal tahay sidii al-shabaab loo wiiqi lahaa, budhcad-badeeddana tallaabo cad looga qaadi lahaa”. Taasoo ka dhigan in dawladdiisu dagaal toos ah la geli doonto labadaas kooxood.

Inkastoo xukuumadda Somaliland caddaysay in aanay ka qayb gelayn shirkaas aynu soo tilmaanay, haddana marka taas la barbar dhigo kulankii madaxweyne Siilaanyo kula shiray kulana qadeeyey saraakiisha ciidanka badda ee Ingiriiska mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka oo ku soo xidhay marsada Berbera 7dii July 2011ka iyo joogitaanka madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa arrimaha debedduba ku sugnaayeen magaalada London markii shirkaas qabanqaabadiisu la bilaabayey, waxa imanaysa su’aasha ah: ka qayb gal la’aanta shirkaas London oo qudhihi ma ku filan tahay baajinta khatartan aynu ka hadlayno?

Horeba reer galbeedka oo Maraykan iyo Ingiriis horkacayaan dagaal waa ugula jireen labadan kooxood, biyaha gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiyana waa u joogeen, sidoo kalena waxa hore u jirey wax xukuumadda Somaliland ku magacowdo iskaashi dhinaca ammaanka ah oo u dhexeeya hay’adaha ammmaanka ee labada dhinac, hase yeeshee waxa khatarta ah ee

hadda soo kordhayaa   waxa weeye ciidammo shisheeye oo dhulka iyo badda Somaliland yimaadda kana dhigta saldhig ay ka duulaan oo ka weerar tagaan dabcan,iyagana lagu weerari karo.

Su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay haddiiba taasi dhacdo

maxaa Somaliland kaga iman kara?

Dabcan waxa ka kaga iman kara wixii kaga yimi waddamadii hore u saldhigga ugu noqday hawlgallada la dagaallanka argagixisada, sida Pakistan oo kale. Waxa ka iman kara in Somaliland la isla jiidho oo noqoto goob ay xoogag kale oo shisheeye ku diriraan.

Waxa kaloo isweydiin leh Somaliland oo weli la daalaadhacaysa dhibaato baaxad leh oo hore uga soo gaadhay halgan qadhaadh oo ay u gashay sidii ay mar uun lugta ugala bixi lahayd midnimo soomaaliyeed oo ay si sibiq ah u gashay, ma qaadi kartaa natiijada xun ee aynu soo tilmaanay ee ka ratibmi doonta hadday mar kale dabinkan la dagaallanka argagixisada si fudud qoorta ula gasho?

Haddaan Somaliland dhibkaas qaadi Karin; su’aasha imanaysaa waxay noqonaysaa maxaa reer Somaliland la gudboon si ay dabinkaas uga badbaadaan?

Dabcan waxa la gudboon wadajir iyo inay talo qowmi ah oo iyaga u gaar ah oo dalkooda iyo dadkoodaba ku badbaadiyaan la yimaaddaan. Nasiib darrose xilligii midnimada ummadda iyo wadajirkeeda loogu baahi badnaa ayay xukuumaddeenu furtay tartan ururro siyaasadeed oo tira badan, kaasoo  horseedi kara buuq dhexdeenna ah oo isna keeni kara in ammaanka gudaha uun lagu mashquulo oo  khataraha debedda inaga kulaalaya lagaga jeesto!

Waxa iyana nasiib darro kale ah in aan xisbiyadan faraha badan ee tartamaya, ilaa hadda lagu hayn aragti siyaasadeed oo qowmi ah!.

 Sidii SNM loo kaalin riixayba waxa Somaliland ka maqan doorkii siyaasad qowmi ah oo ka midha dhalisa dawladnimada ku timi halgankii qowmiga ahaa ee reer Somaliland qarannimadooda dib ugu soo ceshadeen.

Waxad mooddaa in intii dimoqraadiyadda bowsiga ahi ina soo gashay in madaxbannaanidii Somaliland ba su’aal la geliyey, dadkiina loo laqinay citiraaf baynu u baahannahay, si aynu kaalmo caalami ah u helno, waxqabadkii dawladnimona lagu soo koobay dimoqraadiyad baanu hirgelinay! Iyo doorashaannu qabannay!, taasoo lid ku ah mabda’ii isku tashiga ee goonni-isu-taagga Somaliland ku dhisnaa!

Waxa maqan siyaasad qowmi ah oo dib usoo noolaysa ujeeddadii dawladnimo ee reer Somaliland ee ahayd “inay danohooda wadareed ku qabsadaan, dhibaatooyinka iyo khataraha ka hor yimaadana iskaga difaacaan”. Siyaasad qowmi ah oo badbaadada iyo jiritaanka Somaliland ku dhaadata,  wax walbana ka hor marisa. Siyaasad qowmi ah oo aaminsan: “in cadowga Somaliland reer Somaliland oo keli ahi ka hortagaan oo iska difaacaan”, kana taxadarta in  debeca iyo tafaraaruqa dimoqraadiyaddan bowsiga ahi inala soo gashay la inoo soo dhex qaado, ama laynagu qabsadoba!.

Allaa mahad leh.

Maxamed Ducaale Barre

Hargeysa. 4115739