Somaliland: Isku-shaandheyn ballaadhan oo lagu sameeyey Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddida Cadaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Isku-shaandheyn ku sameeyey bahda garsoorka ee dalka, waxaanay dalacsiin, beddilid, magacaabid, ansixin iyo aqbalaad shaqo ka tagid ku sameeyeen guddoomiyaasha, garsoorayaasha iyo ku-xigeenada xeer-ilaaliyayaasha gobollada dalka.

Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhi ay isugu yimaaddeen Salaasada maanta waxa ay kaga doodeen isla markaana si qoto dheer u falan-qeeyay dalacsiin, isku bedel, magacaabid  iyo ansixin ay ku sameeyeen guddoomiyayaal maxkamadeed, garsoorayaal iyo dacwad oogayaal.

Sida ku xusan wareegtada ka soo baxday Guddiga Cadaaladda, 20 garsoore ayaa lagu sameeyay dalacsiin iyo isku bedel halka qaarkoodna loo magacaabay guddoomiyayaal maxkamadeed, sidoo kale 26 garsoore oo ku meel gaadh ahaa ayaa laga dhigay garsoorayaal rasmi ah, guddida ayaa sidoo kale 10 dacwad ooge (prosecutor) u dalacsiiyay ku xigeeno xeer ilaaliyayaal gobol, halka guddidu ka aqbashay 5 xubnood oo u soo gudbiyay codsiyo ay ku dalbanayaan shaqo ka tagis.

Geesta kale Guddida Cadaaladda ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka gobolka Awdal, guddoomiyihii maxkamada gobolka Togdheer, guddoomiyihii Maxkamadda degmada Boorama iyo guddoomiyihii maxkamada degmada Burco halka ay guddidu xilkii guddoomiyenimo ee gobolka Sool u ansixisay guddoomiyihii maxkamadda gobolkaasi oo ku meel gaadh ahaan u hayay xilkaas.

Hoos ka akhriso wareegtooyinka ay maanta soo saareen Guddiga Caddaaladda Somaliland